Doon ay la socdeen dad ka yimid xaflad aroos oo qalibantey

Image
Doon ay la socdeen dad ka yimid xaflad aroos oo qalibantey

ABUJA, Nigeria - Dooni ay la socdeen dad ka soo laabtay xaflad aroos ayaa ku degtay waqooyiga Nigeria, waxaana ku dhintay ilaa 100 qof, sida ay sheegeen booliska iyo dadka deegaanka.

Doonta ayaa ku qalibantay subaxnimadii hore ee Isniintii wabiga Niger ee gobolka Kwara oo u dhow gobolka Niger ee deriska la ah, sida uu sheegay afhayeenka booliska Okasanmi Ajayi Talaadadii.

"Waxa aan isugu nimid waxa ay ahayd doon ay degtay waxaana ku dhintay ilaa 100 qof," ayuu yiri. "Waxaa sii xoogeysatay baadigoobka dadka la raadinayo," ayuu raaciyey.

Dhibanayaasha oo ay ku jiraan haween iyo carruur ayaa ka soo laabtay aroos ka dhacay tuulada Egboti ee gobolka Niger, sida uu sheegay Usman Ibrahim oo degan.

Ilaa hadda ma cadda in ay jiraan dad badbaaday iyo in kale. Majalada Nigerian Tribune ayaa soo warisay in rakaabka ay ka yimaadeen Kpada, Egbu iyo tuulooyinka Gakpan ee Kwara.

"Dadka saaran doonta waxay ahayd inay baaskiilkooda u qaadaan bulshooyinkooda kala duwan [markay soo degayaan]. Doonta ayaa waxaa la socday in ka badan 100 qof, markii ay degtay,” ayuu yiri Ibraahim.

Bishii Maajo 2021, doon ayaa ku degtay Niger agagaarka isla aagga, sidda uu daabacay waregys maxalli ah oo lagu magacaabo The Guardian. Ilaa 160 qof ayaa xilligaas ku dhintay shilkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM