Doorasho Musharixiinta mucaaradka loo diiday oo ka socota Senegal

Image

DAKAR - Shacabka dalka Senegal ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta doorashadda Madaxtinimada, taasoo noqonaysa midii ugu horeysay oo ka dhacda dalkaasi mudo sanado ah.

Ugu yaraan 7 milyan oo qof ayaa isku diiwaangeliyay inay codadkooda dhiibtaan 15-kun oo goobood oo la dhigay sanaadiiqda codbixinta guud ahaan dalkan ku yaalla galbeedka Africa.

Madaxweynaha haya talada Macky Sall, ayaa markii labaad u tartamaya xilka ugu sareeya Senegal, iyadoo aan jirin musharaxiin badan oo kula tartamaysa kursiga, kadib markii mucaaradka loo diiday inay doorashada ka qyebgalaan.

Macky Sall oo 57 sano jir ah ayaa loo badinayaa inuu ku guuleysto doorashadda, kadib markii labo musharax oo la saadaalinayay uu u diiday inay la tartamaan.

Musharax kasta ayaa laga doonayaa inuu helo in ka badan 50% codadka, si uu ugu guuleysto tartanka, hadii tiradaasi hoos uga dhaco qofka ugu codadka badan, waxaa dhici doonta doorashada isku-celis ah, oo la qaban doono 24-ka bisha March ee soo socota.

Doorashadda ka socota Senegal ayaa la qabtey kadib markii sanadkii 2016 isbedel lagu sameeyay dastuurka, oo laga dhigay mudada xilheynta Madaxweynaha 5 sano, halka markii horey ahayd 7 sano.

Duqii hore ee caasimadda Senegal ee Dakar, oo lagu magacaabo Khalifa Sall ayaa la xiray, isagoo lagu xukumay shan sano oo xabsi ah, kadib markii musuq-maasuq lagu helay, halka wiil uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalkaasi Karim Wade u cararay dalka Qadar markii uu soo dhameystay 6 sano oo xabsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM