Dowlada Itoobiya oo heshiis la saxiixatey Jabhad dagaal kula jirtey

Image

ADDIS ABABA- Dowlada Itoobiya ayaa la saxiixatey hesiis lagu dhameynayo colaada kala dhexeysay Jabhada Oromada "Oromo Liberation Front" kuwasoo markii hore loogu yeerey iney yihiin urur argagixiso, waxaa sidaas sheegey Talefsihinka dowladu leedahay maalinta Talaadada.

Talaabadaan ayaa lagu sheegey iney kamid tahay mid isbadalada Ra'isal wasaaraha dalkaas wax kaga badalayo hay'adaha dowlada, furayo dhaqaalihii dowladu maamuli jirtey iyo in la hagaajiyo amniga iyo xiriirka caalamiga ah.

Talaabadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli rabshado ku dhexmarayaan degaanada ay dariska ku yihiin qowmiyadaha Soomaalida iyo Oramada kuwasoo ay ku barakaceen islamrkaana naftooda ku waayeen dad farabadan.

Ra'isal wasaare Abiy oo kasoo jeeda qowmiyada oramada ayaa isbadaladaan uu sameynayo waxaa uu culeys siyaasadeed kala kulmayaa qowmiyadaha kale ee ku nool dalka Itoobiya kuwasoo ay kamid yihiin Tigreega, Soomaalida iyo Amxaarada.

Ciidamada Militariga ayaa asbuucaan horaantiisa waxaa amar lagu siiyey iney xukunak xoog kaga qaadaan Madaxweynaha DDSI Cabdi Ileey talaabadaan oo sababtey in rabshado ay dad ku dhintaan ka dhacaan magaalo madaxda maamulkaan.

Madaxweynaha DDSI ayaa maalintii shaley ogolaadey inuu is-casilo isagoo xilkii ku wareejiyey Wasiirkiisa Maaliyada talaabadaas oo ay diidey dowlada Federaalka ee Itoobiya.

Cabdi Ileey oo maanta galinkii hore la qabtey ayaa wararka waxay sheegayaan in dowlada dhexe u soo magacowdo Madaxweyne kale DDSI.

Dalka Itoobiya oo ku dhaqma nidaamka Federaalka ah ayaa waxaa uu leeyahay maamulo, hay'dahooda dowlliga ah si toos ah u soo doortaan qofka qabanaya xilka Madaxweynaha.

 

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM