Dowlada Koonfurta Sudaan iyo Jabhada Mucaaradka ah oo Heshiis kala Saxiixdey

Image

KHARTOUM- Madaxweynaha Koonfur Suudaan iyo madaxa midkamid ah Jabhadaha ugu muhiimsan ee ka dagaalama dalkaas ayaa kala saxiixdey heshiis awood qaybsi ah kasoo bog cusub u furaya taariikhda wadankaas ugu da'da yar Afrika

"Waxaan ugu yeerayaa qof walba anigoo ah hogaamiyaha dalka Koonfurta Sudaan heshiiskaan aan maanta saxiixney maanta waa dhamaadkii iyo iska hor-imaadyadii ka jirey wadankeena," sidaas waxaa yiri Salva Kiir.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Koonfur Suudaan Reik Machar ayaa isaga yiri markii la saxiixayey heshiiskaan, " maanta waain aan u dabaaldagnaa, kaliya ma aha Koonfurta Suudaan, laakiin aduunka oo dhan."

Dalka Koonfurta Suuudaan ayaa xornimada ka qaatey dalka Sudan sanadkii 2011, laakiin dagaal sokeeya ayaa ka qarxay labo sano kadib kadib markii iska horimaadyo dhexmareen ciidamada labadii mas'uul ee ugu sareeeya dalkaas.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ahaa mid salka ku hayey mid shaqsiyadeed iyo qabiil, waxaana ku dhintey tobonaan kun oo qof, halka ay ku bara kaceen inka badan kalabar dadka dagan dalka Koonfurta Sudaan oo lagu qiyaaso 12 Milyan.

"Heshiiskaan waxaa weeye mid wanaagsan, waxaana dhinacayada dagaalamaya isla wada garteen balanqaadna ku galeen in xabad joojin deg deg ah la sameeyo," sidaas waxaa yiri Wasiirka arimaha dibada dalka Sudan, Al-Dirdiri Mohamed.

Sudaan ayaa dhex dhigtey heshiiskaan dhinacyada ku dagaalamayey dalkaas.

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar al-Bashir ayaa yiri wax-soo-saarka Saliida waxaa bisha September 1 laga soo tuurayaa gobolka la yiraahdo Wahda ee ku yaal Koonfurta Sudaan iyadoo laga dhoofinayo dakadaha dalka Suudaan.

" Walaal Salva waxaad heli doontaan faa'ido badan....muhiimada ugu weyn waxaa weeye in lacag meel loo dhigo Koonfurta Sudan taasoo dhaqaalaheeda ku dhow yahay," ayuu ka yiri talefishinka qaranka dalkaas.

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM