Dowlada Mareykanka oo ku baaqdey In Mugabe xilka ka dago

Image

WASHINGTON - Dowlada Mareykanka waxay rabtaa In dalka Zimbabwe uu galo Marxalad Cusub, sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada u the qaabilsan arimaha Africa, isagoo sidaas ka wadey In Madaxweynaha Dalka Zimbabwe ka dago xukunka iyadoo cadaadiska siyasadeed ee lagu hayo kordhayo.

Ku simaha kaaliyaha xoghayaha arimaha Africa u qaabilsan Wasaarada arimaha Dibada Donald Yamamoto ayaa meesha ka saarey in Mugabe, oo wadanka Zimbabwe xakumayey 37 sano, noqdo Madaxweyne ku meel gaar ah ama hogaamiye sharfeed dadkaas.

“Waxaan rajehneynaa iney ka bilabato dalka Zimbabwe xilli Marxalad cusub looga gudbayo arimaha taagan.” Ayuu yiri Yamamoto.

Ciidamada dalka Zimbabwe oo xukunka la wareegey asbuucaan ayaa talaabadaas qaadey si ay uga hortaagan 93 kaan in xilka dalkaan ku wareejiyo Naagtiisa, iyadoo Khamiistii la sawirey isagoo salamaya Taliyaha Ciidamada dalkaas Conistantino Chiwenga.

Dowlada Mareykanka waxay bilaabeyaaa in cunaqabateynta siyaasdeed iyo midda dhaqaale ka qaado dalka Zimbabwe hadii ay bilabaato isbadal siyasadeed ee dalkaas ka dhaca ayuu yiri Yamamoto isagoo la hadlaya koox ka socota ururka AU oo ku sugan Washington.

Isagoo akkriyaya fariin ku socota hogaamiyayaasha siyasadeed ee Zimbabwe ayuu yiri “ Mowqafyagu waxaa uu mar walba ahaa hadii ay ka shaqeeyaan isbadal Dastuurka, mid siyasadeed, mid dhaqaale horeyna ugu socdaan iyagoo fursad siinaya siyaasiyiinta iyo arimaha bini’aadnimada, markaas Waxaan bilaabi karnaa in aan cunaqabateynta ka qaadno.” ayuu yiri Yamamoto.

Dowlada Mareykanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aan siin wax tageero dhaqaale ah marka laga reebo caawinaad uu u fidiyo hay’ado aan dowli aheyd kuwasoo gacan ka gaysta arimaha caafimaadka.

Related Articles

Ciidan Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Kenya iyo xiisad dagaal oo ka dhalatay

Warbixin rasmi ah oo laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Moyale (OB No. 32/22/11/2025) ayaa tilmaamaysa in ciidamada Kenya Police.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 12:44PM

Nigeria: 303 Arday iyo 12 Macallin oo La Afduubay, Warbixin Cusub oo La Soo Saaray

Ardayda la afduubay waxay yihiin wiilal iyo gabdho da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 18 sano, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 06:25AM