Dowlada Suudaan oo aqbashay codsi kaga yimid Turkiga

Image
Dalabkan ayaa si gaar ah wuxuu u khuseeyaa is-qabqabsi sohdin oo Khartuum kala dhaxeeya Itoobiya.

KHARTUUM, Sudan - Suudaan ayaa aqbashay dalab dhex-dhexaadin ah oo ka yimid Turkiga "si loo xalliyo murannada xudduudda ee kala dhaxeeya Itoobiya, sida uu Sabtidii xaqiijiyey sarkaal sare.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Mariam Al-Sadiiq Al-Mahdi, ayaa shir jaraa'id waxay ka tiri "intii uu booqashada ku joogay Turkiga bishii lasoo dhaafay, madaxa Golaha Sare ee Suudaan Abdel Fattah al-Burhan wuxuu aqbalay hindise ka yimid hoggaanka Turkiga si loo xaliyo murannada xadka ee kala dhexeeya Itoobiya".

Mariam ayaa carrabka ku adkeysay in Suudaan ay aad u danaynayso in ay hagaajiso xiriirka ay la leedahay Turkiga dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Al-Burhaan ayaa bishii Ogosto booqasho ku tagay dalka Turkiga, wuxuuna heshiisyo dhaqaale oo dhowr ah la saxiixday Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Erdoğan wuxuu xilligaas sheegay in Turkigu uu diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo Suudaan si loo xalliyo muranka xadka iyo sidoo kale in xal nabadeed loo helo colaadda Tigray ee Itoobiya oo barakicisay tobanaan kun oo qof, malaayiin kale gaajeesiisay.

Waqooyiga Itoobiya waxaa hareeyay dagaallo tan iyo bishii Nofembar ee la soo dhaafay markii Abiy Axmed uu ciidan u diray si ay u afgembiyaan Jabhadda Xoreynta Dadka Tigreega (TPLF), oo markaa ahayd xisbiga talada haya ee gobolka.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay dagaalkii sagaalka bilood ka socday Tigray oo ay wehliyaan eedeymo xadgudubyo baahsan oo la sheegay in lagula kacay qayb kamid ah  qowmiyadda Tigreegu.

Kufsi wadareedyo waa eedeynta ugu caansan balse waxaa wehlisa macaluul dadka oo dhan saameysay iyo beegsi abaabulan oo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa isbahaysigu u geystaan dadka shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM