Dowladda Itoobiya oo qabsatay magaalo taariikhi ah

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa waxay shaaca ka dhigeen dib-ula-wareegay gacan ku haynta magaalada taariikhiga ah ee Lalibela oo ay mar ka talin-jireen jabhada Tigreega.

Talaabadan ayaa timid xili ay kooxda TPLF ku dhawaaqday in ay ka baxayso dhamaan deegaanada ay ka kooban tahay goboladda Axmaarada iyo Canfarta.

Kooxda TPLF oo war-saxaafadeed kooban soo saartey ayaa sheegtay in ay go’aankan qaadatay si ay wadada ugu furto in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya dowlada.

Colaadda oo wali aan joogsan ayaa sababtay masiibo bini'aadantinimo oo baaxad leh, iyadoo dadaallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ay ilaa hadda fashilmeen.

Ma cadda goorta ay millatarigu dib ula wareegeen Lalibela, balse ra’iisul wasaare ku xigeenka Demeke Mekonnen Hassen ayaa booqday magaalada, oo ku taal Amxaarada, Axadii.

Lalibela, oo caan ku ah kaniisado dhagax-qoran oo soo taxnaa qarniyadii 12-aad iyo 13-aad, ayaa sannadkii 1978-kii loo aqoonsaday goob dhaxal-galka ah, sida ku xusan qoraal kasoo baxay UNESCO.

Magaaladu dhowr jeer ayey gacmo kala duwan isku bedeshay tan iyo bishii Ogosto. Sabtidii, dowladdu waxay sheegtay in ciidamadeedu ay dib ula wareegeen dhowr magaalo oo kale oo ay ku jirto Weldiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM