Dowladda Itoobiya oo tobanaan qof ku xirtey gobolka Amxaaradda

Image
Xiisada ayaa sare u sii kacaysay tan iyo bishii April markii dowladda federaalku ay ku dhawaaqday in ay burburinayso ciidamada gobolka.

NAIROBI, Kenya - Laamaha ammaanka waddanka Itoobiya ayaa waxay xiray dad xiriir la leh "dhibaatada amni ee ka jirta gobolka Amxaarada," sidda ay dowladdu sheegtay Sabtidii shalay ahayd.

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii ay xaalad degdeg ah ku soo rogtay gobolka waqooyi markii ay isku dhaceen dagaalyahannada deegaanka iyo ciidamada federaalka.

Qalalaasaha cusub ee ka socda dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa imaanaya sagaal bilood kadib markii uu dhamaaday dagaal lagu hoobtay oo socday muddo labo sano ah gobolka ay dariska yihiin ee Tigray, kaasoo ay sidoo kale isku fidiyeen dagaalyahano kasoo jeeda Axmaarada.

Dawladdu waxay sheegtay Jimcihii in tillaabooyinka degdegga ah ay dabooli doonaan Amxaarada "muddo lix bilood ah" laakiin waxaa lagu soo rogi karaa "guud ahaan waddanka oo dhan marka loo eego xaalad kasta ama dhaqdhaqaaq kasta oo sii xumeynaya dhibaatada amniga."

Xiisada ayaa sare u sii kacaysay tan iyo bishii April markii dowladda federaalku ay ku dhawaaqday in ay burburinayso ciidamada gobolka ee guud ahaan Itoobiya, taas oo dhalisay dibadbaxyo ay dhigayaan qoomiyadaha Axmaarada oo sheegay in tallaabadani ay wiiqi doonto gobolkooda.

Isku dhacyada Axmaarada ayaa sii kordhayay todobaadyadii la soo dhaafay, taasoo keentay digniino dhanka safarka ah oo ka imaanayay dowlado shisheeye oo reer Galbeed ah.

Waxaa la joojiyay duulimaadyadii, iyadoo xafiiska Ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu Jimcihii sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin degdeg ah "si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqan aan la aqbali karin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM