DRC: Falaago tobanaan rayid ku dishay weerar gaadmo ah

Image
Colaaddii u dhaxaysay beelaha Lendu iyo Hema ayaa soo jiitameysay tan iyo 1999 ilaa 2007.

KINSHASA, DRC – Fallaago hubaysan ayaa ku dilay ugu yaraan 12 qof intii uu socday weerar ay ku qaadeen dad rayid ah oo barakacayaal ah oo ku sugnaa waqooyi bari ee gobolka Ituri ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga.

Dagaalyahano ka tirsan kooxda iskaashatooyinka horumarinta Kongo (CODECO) ayaa weerar ku qaaday tuulada Drodro habeenimadii Axadda, halkaas oo ay ku dileen lix carruur ah, afar rag ah iyo laba dumar ah, Jules Ngongo, oo ah afhayeen u hadlay dawladda milatariga Ituri, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Xubnaha CODECO waxay inta badan ka soo jeedaan beesha beeraleyda Lendu, kuwaas oo in muddo ahba colaadi kula jirtay xoolo-dhaqatada Hema.

"Ujeedadoodu waxay ahayd inay weeraraan dadka ku barakacay Drodro," Ngongo ayaa yidhi.

Ngabu Lidja Chrysante, oo ah wadaad iyo xiriiriyaha hay'adda samafalka Catholic ee Caritas ee Ituri, ayaa sheegay in asxaabtiisa oo goobta ku sugnaa ay arkeen meydadka 35 qof oo lagu dilay weerarka, oo sidoo kale lala beegsaday kaniisadda maxalliga ah.

Sida laga soo xigtay Kivu Security Tracker ee fadhigiisu yahay Maraykanka, kaas oo dusha sarre kala socota rabshado ka dhacay DRC, 107 meyd ah ayaa laga helay Drodro iyo tuulooyinka ku xeeran.

Afhayeenka CODECO, Patrick Basa, ayaa beeniyay in kooxdu ay dishay dad rayid ah. Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa u sheegay in xubnahooda ay ku dagaalameen Deegaanka Drodro iyo Maleeshiyada Hema, balse waxa uu sheegay in dadkii rayidka ahaa ay mar hore isaga carareen deegaanka.

Colaaddii u dhaxaysay beelaha Lendu iyo Hema intii u dhaxaysay 1999 ilaa 2007 waxa ay sababtay dhimashadda qiyaasti 50,000 qof, waana mid ka mid ah cutubyadii ugu dhiiga badnaa ee dagaal sokeeye ee bariga DRC.

ADF, oo Maraykanku u aqoonsan yahay "koox argagixiso", waa mid ka mid ah kooxo badan oo hubaysan oo ka hawlgala bariga DRC ee macdanta qaniga ku ah.

Bishii Ogosto, kooxdu waxay gubtay oo ay dileen ugu yaraan 19 qof oo rayid ah dhulka Beni ee Waqooyiga Kivu, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidan Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Kenya iyo xiisad dagaal oo ka dhalatay

Warbixin rasmi ah oo laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Moyale (OB No. 32/22/11/2025) ayaa tilmaamaysa in ciidamada Kenya Police.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 12:44PM

Nigeria: 303 Arday iyo 12 Macallin oo La Afduubay, Warbixin Cusub oo La Soo Saaray

Ardayda la afduubay waxay yihiin wiilal iyo gabdho da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 18 sano, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 06:25AM