Ducaale oo dalbaday in shaqada laga eryo xubno ka tirsan guddiga doorashada Kenya

Image

NAIROBI, Kenya- Xildhibaanka laga soo doorto Gaarisa Aadan Barre Ducaale ayaa dalbaday in shaqada laga eryo afar xubnood oo ka tirsan guddiga IEBC , kuwaas oo ka horyimid natiijadii uu shaaciyay guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati.

Ducaale ayaa sheegay in xubnahan oo kala ah guddoomiye ku xigeenka Juliana Charera, Irena Masit, Francis Wanderi iyo Justus Nyanga’ya ay qatar galiyeen Amniga iyo xasiloonida dalka, islamarkaasna ku xad gudbeen dastuurka dalka.

“Kuwani waa kooxdii iyaga oo aanan libiqsanaynin inta kaamirooyinka soo hor istaagay beenta sheegay “ ayuu yiri Ducaale oo intaasi ku daray in aysan u qalmin in ay hayaan xil qaran.

Xubnahan guddiga ayaa aqbalay natiijadii dacwadda maxkamadda sare, sheegayna in ay waafaqsanyihiin goaanka maxkamadda.

“Qodobka 251 ee dastuurka wuxuu dhigayaa in xubnaha guddiga shaqada looga eryo haddii ay galaan xad gudub weyn, waana galeen sida muuqata” ayuu yiri Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta sida weyn u taageersan madaxwehnaha cusub William Ruto.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM