Duqeymo iyo dagaalo cusub oo ka qarxay waddanka Suudaan

Image
Rabshadaha ayaa billowday shan toddobaad ka hor, waxayna salka ku haayaan loolan dhanka awoodda ah.

KHARTUUM, Suudaan - Duqeymo dhanka cirka ah iyo iska-hor-imaadyo cusub ayaa laga soo sheegay Suudaan – taasoo hoos u dhigaysa rajadii laga qabay isku daygii ugu dambeeyay ee xabbad joojinta dalka ay colaaduhu ka jiraan.

Xabbad joojin cusub oo todoba maalmood ahayd ayaa si rasmi ah u bilaabatay 21:45 wakhtiga maxaliga ah (19:45 GMT). Hase ahaatee, waxaa muuqanaysa in mar kale la jebiyey.

Goob-joogayaal ayaa horay uga hadlay dagaallo hor leh oo ka dhacay caasimadda Khartoum iyo meelo kale ayna ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawaca dad rayid ah.

Rabshadaha ayaa billowday shan toddobaad ka hor, waxayna salka ku haayaan loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ciidamada caadiga ah iyo koox dabley ah.

Isku dayo dhowr ah oo hore oo lagu doonayay in lagu gaaro hakad waara oo colaadaha ka socda dalka waqooyi-bari ee Afrika ayaa gariiray ama burburay.

Waxaa soo cusboonaaday rajo cusub oo laga qabo xabad joojintan cusub, taasoo timid kadib wadahadalo rasmi ah oo ay garwadeen ka ahaayeen Sacuudiga iyo Mareykanka.

Heshiiska cusub ayaa waxaa lagu xoojin doonaa "habka la socodka xabbad-joojinta," sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga Sabtidii - kaas oo qirtay guul-darradii hore ee lagu xaqiijin lahaa nabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM