ECOWAS oo wadahadal "miro dhal ah" la yeeshay madaxdii afgambiga Niger

Image
SAWIR HORE

NIAMEY, Niger - Madaxweynihii hore ee Nigeria Abdessalam Abuubakar ayaa maanta oo Talaada ah ku tilmaamay kulan oo la qaatay madaxda afgambiga Niger mid "Miro Dhal ah".

Abdessalam Abuubakar ayaa hogaaminayay wafdi ka socday Ururka ECOWAS ee u safray dalka Niger, si ay wada xaajood ula galaan hogaamiyayaashii afgambiga horaantii todobaadkan.

"Booqashada waxay ahayd mid miro dhal ah," ayuu yiri Abdessalam Abuubakar, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Waxuuna intaasi raaciyay inuu rajaynayo in xiisadda lagu xaliyo qaab Diplomaasiyadeed.

Madaxweynihii hore ee Nigeria ayaan faahfaahin ka bixin.

Arrintan ayaa timid saacado ka dib markii ururka ECOWAS oo ay ku mideysan yihiin 15 dal ay diideen soo jeedin ka timid taliska afgambiga Niger oo ahaa in doorasho lagu qabto 3 sano gudaheed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM