Eritrea oo dib ugu soo biiraysa IGAD Todobaadka dambe

Image

ASMARA - Dowladda Eritrea ayaa dib ugu soo laabaneysa xubinimadeeda Urur goboleedka IGAD Todobaadka dambe, iyadoo munaasabad arintaasi lagu shaacinayo lagu qaban doono Addis Ababa, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Itoobiya ee FANA.

Eritrea ayaa hakad geliysay xubnimadeeda IGAD sanadkii 2007-dii, inkastoo ay dib ugu soo laabatay 2011-kii, laakiin waxay mar kale isaga baxday 2017-kii, waqtigaasoo arrimo xasaasi ah ay jireen.

Shir uu Ururka IGAD ku yeelan doono labo isbuuc kadib magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa ayaa looga dhawaaqi doonaa inay Eritrea dib usoo ceshatay xubinimadeeda.

Kulanka ka dhaca Addis Ababa ayaa waxaa uu ku saabsan soo afjaridda colaada gaamurtay ee dalka Suudaanta Koonfureed, laakiin dadaalo badan kadib lagu guulaystay in heshiis ay ka gaaraan dhinacyada isku haya.

Heshiiska lagu saxiixi doono bisha dambe Magaalada madaxda dalka Itoobiya ayaa noqonaya saxiixii ugu dambeeyay ee nabadda dalka Suudanata Koonfureed oo ah kan ugu yar Kownkaan.

Kusoo laabashadda Eritrea ee Ururka IGAD ayaa timid kadib markii ay heshiis lagu soo gabagabaynayo colaadda ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, kaasoo uu hogaaminayo Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM