Eritrea oo dib ugu soo biiraysa IGAD Todobaadka dambe

Image

ASMARA - Dowladda Eritrea ayaa dib ugu soo laabaneysa xubinimadeeda Urur goboleedka IGAD Todobaadka dambe, iyadoo munaasabad arintaasi lagu shaacinayo lagu qaban doono Addis Ababa, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka Itoobiya ee FANA.

Eritrea ayaa hakad geliysay xubnimadeeda IGAD sanadkii 2007-dii, inkastoo ay dib ugu soo laabatay 2011-kii, laakiin waxay mar kale isaga baxday 2017-kii, waqtigaasoo arrimo xasaasi ah ay jireen.

Shir uu Ururka IGAD ku yeelan doono labo isbuuc kadib magaaladda caasimadda ah ee Addis Ababa ayaa looga dhawaaqi doonaa inay Eritrea dib usoo ceshatay xubinimadeeda.

Kulanka ka dhaca Addis Ababa ayaa waxaa uu ku saabsan soo afjaridda colaada gaamurtay ee dalka Suudaanta Koonfureed, laakiin dadaalo badan kadib lagu guulaystay in heshiis ay ka gaaraan dhinacyada isku haya.

Heshiiska lagu saxiixi doono bisha dambe Magaalada madaxda dalka Itoobiya ayaa noqonaya saxiixii ugu dambeeyay ee nabadda dalka Suudanata Koonfureed oo ah kan ugu yar Kownkaan.

Kusoo laabashadda Eritrea ee Ururka IGAD ayaa timid kadib markii ay heshiis lagu soo gabagabaynayo colaadda ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Eritrea, kaasoo uu hogaaminayo Abiy Axmed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM