Ethiopia: Ciidamada Amxaarada oo ka baxay gobolka Tigray

Image
Talaabadan ayaa qeyb ka ah heshiiska nabadeed ee uu garwadeenka ka ahaa Midowga Afrika.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ciidamada gobolka Axmaarada ee Itoobiya ayaa isaga baxay gobolka ay dariska yihiin ee ay dagaalladu aafeeyeen ee Tigray, sida uu qabo heshiiskii nabadeed ee Midowga Afrika ee u dhexeeyay dawladda federaalka iyo jabhadda TPLF ee Tigrayga, sida ay ciidamadu sheegeen gelinkii dambe ee Khamiista.

Ciidamada gaarka ah ee gobolka Axmaarada ayaa ku dagaalamay gobolka Tigreega iyaga oo taageeraya ciidamada federaalka labadii sano ee lasoo dhaafay.

“Ciidanka gaarka ah ee gobolka Axmaarada, oo ku jiray hawl qaran oo ay wehelinayeen ciidanka qaranka ayaa ka baxay deegaanka, sida uu dhigayo heshiiska,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ciidanka qaranka Itoobiya (ENDF).

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay in howlo badan ay sameeyeen kadib heshiiskii nabadeed ee lagu kala saxiixday Koonfur Afrika iyo Kenya.

"TPLF waxa ay hub culus ku wareejisay ciidamadeena difaaca iyada oo u sii marinaysa goobjoogayaasha Midowga Afrika ee wareegii koowaad ee xerada Agula," ayaa lagu daray bayaanka.

Warka qoraalka ah ayaa intaas kusii daraya: "Ciidanka gaarka ah ee gobolka Axmaarada oo Khamiistii baxay ayaa hawlo qaran u jooga Shire iyo deegaanada ku xeeran".

Ka bixitaanka ciidamada Axmaarada ayaa loo arkaa talaabo muhiim ah oo loo qaaday fulinta heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaal sokeeye oo laba sano ka socday gobolka Tigray kaasoo galaaftey nolosha boqolaal u badan shacab isla markaana ku qasbay kumanaan kale in ay ka cararaan guriyahooda, sidda UN-ka sheegay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM