Ethiopia: In ka badan 200 qof oo dhimatay colaad beeleed

Image
Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa tibaaxay in weerarku uu ahaa mid ku salaysan qowmiyado.

ADDIS ABABA, Ethiopia - In ka badan 200 oo qof ayaa la dilay kadib dagaal ka dhacay galbeedka Itoobiya. Komishanka Xuquuqul Insaanka ee ay dawladdu magacowday ayaa sheegay in jabhadda Xoreynta Oromada ee OLA ay dishay ilaa 150 qof shacab.

Saraakiisha deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in dagaalyahanno ka socda qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ay laba maalmood oo isbuucii hore ku dagaallameen Aagga Bariga Wollega ee gobolka Oromiya.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa BBC-da u sheegay in meydad ay ku soo rogmadeen webi u dhow kadibna la aasay.

Bariga Wollega waxaa ku nool dad aad u tiro badan oo Amxaaro ah waxaana dhulalkeeda barwaaqada ah ay xudun u tahay xiisad ka dhex oogan labada beelood.

Guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa tibaaxay in weerarku uu ahaa mid ku salaysan qowmiyado waxayna ku eedeeyeen OLA in ay sababeen rabshadaha badan. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha Amxaarada ay aargoosi sameeyeen, ayna dileen ilaa 60 qof.

Saraakiisha deegaanka ayaa BBC -da u dusiyey in maleeshiyaadka Oromada iyo Amxaarada ay weerarro ka geysteen deegaanka. Kumanaan qof ayaa la rumeysan yahay inay barokaceen tobanaan gurina ay burbureen intii ay rabshaduhu socdeen.

OLA, oo sheegaysa inay dabada ka riixayso aayo-ka-talinta dadka Oromada, ayaa beenisay inay dishay dad rayid ah waxayna sheegtay inay dadka deegaanka ka ilaalinaysay xagjiriinta hubeysan.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inuu wali ka holcayo Bariga Wollega iyadoo ciidamada dowlada ay isku dayayaan inay xaalada gacanta ku dhigaan.

Ururka OLA ayaa inta badan ku sugan galbeedka Oromiya, halkaas oo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeeyeen jabhaduhu inay weerareen dad rayid ah mar hore.

Horraantii bishaan ayaa lagu dhawaaqay isbahaysi u dhexeeya OLA iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray ee ka dagaallamaya waqooyiga dalka, taasoo dhalisay walaac laga qabo in colaaddu sii kororto oo ay cadaadis dheeraad ah saarto dowladda dhexe ee Itoobiya.

Itoobiya ayaa wajaheysa rabshado u dhexeeya qowmiyadaha tan iyo 2018 - taasoo ku qasabtay in ka badan laba milyan oo qof inay ka qaxaan guryahooda, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, oo intaas raacisay in badankoodu wajahayaan xaalad bini'aadanimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM