Ethiopia iyo Eritrea oo isku furay xuduudka labadda dal

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Hogaamiye-yaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa dib isagu furay xuduudka, halkaasoo ah meeshii ay ka ka bilaabatay dagaalkii dhexmaray labada dal 20 sanoo kahor kaasoo lasoo afjaray bishii July ee sanadkan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, oo ku lebisan dareeska ciidanka iyo Madaxwayne Isaias Afwerki oo ay wehliyeen mas'uuliyiin labadda dhinac ka socda iyo Shacab ayaa kasoo qaybgalay munaasabadda dib loogu furayey Sohdin dalalkaan.

Labadda hogaamiye ayaa booqday Dhufeesyadda/difaacyada ay kala fadhiyeen ciidamadda dalalkaan, halkaasoo ay ka dhaceen dagaalo kharaar intii u dhaxaysay 1998-2000, ayna ku dhinteen in ka badan 82-kun oo Shacab iyo Askar.

Abiy Axmed ayaa ku tagey xaduuda diyaarad Helicopter ah, iyadoo amaankiisa si aad ah loo adkeynayay, waxaana goobaha uu booqday kaga horeeyay Madaxweyne Afwerki iyo saraakiil kale oo labada dhinac booqasho ku kala bixiyay.

Talaabadaan ayaa qayb ka ah heshiis ay Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki kala saxiixdeen 9-ka bishii July ee sanadkaan, kaasoo ujeedkiisu ahaa in dib loogu soo celiyo cilaaqaadka labadda dowladood uu liitay muddo.

Todobaadkii hore, Ethiopia ayaa dib ufurtay safaaradeeda ku taala caasimadda Eritrea ee Asmara, taasoo qayb ka ahayd dhaqan-gelinta heshiiska dib boorka looga jafayo xiriirka dalalkaan Geeska Afrika ku yaala.

Dib u furidda xuduudka labadda dal ayaa waxay ka qayb qaadan doontaa inuu dhaco is-dhexgal shacabka labadda dal, kuwaasoo muddo dhowr ah sano ku kala irdhoobnaa colaadda wadamadaan dhex-tiilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM