EU oo ka digtey in Itoobiya noqoto Yugoslavia-yada Afrika Xabbad joojin la’aan

Image

Brussels- Midowga Yurub ayaa ka digay in Itoobiya ay halis ugu jirto in ay burburto haddii aan wadahadalka lagu dhameynayo colaadda muddada sanadka ah aysan keenin xabbad joojin.

Qaylo-dhaanta ay ka dhawaajisay Midowga Yurub ayaa la mid ah walaac uu horey u muujiyay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken 12-kii Nofembar ka hor inta uusan booqan gobolka “Afrika” toddobaadkan si uu ugala hadlo dhibaatadaan taagan. Mareykanka iyo Midowga Yurub labaduba waxay ka fiirsanayaan cunaqabateyn ka dhan ah Itoobiya oo ku guuldareystay inay soo afjarto rabshadaha ay ku dhinteen kumanaanka kun ee qof, boqolaal kun oo kalena ay ku barakaceen.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Yurub ayaa kulan ay yeesheen kaga wada hadlay xaaladda Itoobiya Isniintii, ka dib booqasho laba maalmood qaadatay oo ay ku tagtay dalka Geeska Afrika Komishaneer Jutta Urpilainen Oct. 24. Tan iyo markaas, xaaladdu way ka sii dartay, Midowga Yurubna wuxuu go'aansaday inuu kala baxo dalkaas-  Shaqaalaha aan muhiimka aheyn sidoo kalena u diyaar garoobayaan daadgureyn dheeri ah oo suurtagal ah, sida ku cad qoraal diblomaasiyadeed oo ay aragtay saxaafadu.

Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa u sheegay wasiirada arrimaha dibadda EU in waddanka Itoobiya uu halis ugu jiro inuu noqdo Yugoslavia Afrika, sida ku cad qoraalka.

Wada-hadallada uu hoggaaminayo Ergayga Midowga Afrika, Olusegun Obasanjo oo ujeeddadiisu ahayd in la joojiyo colaadda ayaa u muuqda inay yihiin kuwo xoogeysanaya, sida lagu sheegay qoraalka, oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin. Urpilainen, ayaa sheegtay in kulan 1-1/2 saac qaatey ay la yeelatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, wuxuuna soo jeedisay inuu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo, isagoo ugu baaqey in Midowga Yurub uu taageero hindisaha Afrika ee lagu soo afjarayo qalalaasaha.

Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa sheegtay Talaadadii in qalalaasuhu ay halis ugu jiraan in ay xakameeyaan maalgashiga shisheeye ee mar ahaan jiray dhaqaalaha Afrika ugu kobaca badan. Dawladdu waxay qorshaynaysaa in ay mudnaan siiso mashaariicda si loo hubiyo in lacagaha dawladda la isticmaalo iyo in sidoo kale diiradda la saaro kor u qaadista canshuur ururinta gudaha, wasaaraddu waxay ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay boggeeda Facebook.

Related Articles

Sierra Leone: Koronto la'aan sababtay inuu shaqada ka tago wasiir awood badan

Shirkadda Korontadda laga leeyahay Turkiga ee Karpowership ayaa jartey korontada muddo todobaadyo ah.

  • Afrika

    28-04-2024

  • 04:30AM

Dowladda Burkina Faso oo xayiraad adag kusoo rogtay BBC iyo VOA

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

  • Afrika

    27-04-2024

  • 04:34AM