Faahfaahin dheraad ah: Kadib qabashadii Madaxweynihii DDS Itoobiya

Image

JIGJIGA-Milatariga dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay gacanta ku dhigeen Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, oo maalmihii ugu dambeeyey la sheegay in wadahadal i dhexeeyo dowlada dhexe.

Wararka ayaa sheegay in Madaxweynaha laga qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo Milatariga Itoobiya ay qabsadeen Sabtidii lasoo dhaafay, iyaga oo isku hareereeyay guud ahaan dhismayaasha dowladda.

Fahfaahinta laga helayo warkaan ayaa intaas ku daraysa in laga yaabo in Cabdi Illey loo kexeeyo xarunta dowladda Federaalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Dowlada Itoobiya ayaa diidey Madaxweynihii maalintiii shalay xilka si KMG ah uu ugu wareejiyey Cabdi Ileey iyadoo dhowaan la filayo in Maaxweyne Cusub goor dhaw loo soo magacaabo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, kaas oo aan ka mid aheyn maamulkii Hore ee ay isbedelka ku sameysay Xukuumadda Federaalka Itoobiya.

Tanni ayaa waxba kama jiraan ka dhigaysa magacaabidii shalay ee Madaxweynihii KMG ahaa Axmed Cabdi oo ahaa mid kamid ah Saaxiibadii Cabdi Maxamuud Cumar oo mudo dhan 10 sanno maamulayay Deegaanka Soomaalida.

Dhinaca kale Dowlada Faderaalka Itoobiya ayaa ku amartay Milaterigeeda iyo dhamaanba ciidamada Heer Faderaal in ay howlgalo Milateri ka fuliyaan gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya laga bilaabo waqtigan, ciidamada Liyuu Police-ka ayaa loogu amray in ay amarka ka qaataan Wasaaradda Gaashaandhiga Itoobiya.

Sidaas waxaa ku dhawaaqay Wasiirka Warfaafinta ee Itoobiya Axmed Shide oo shir jaraa'id ku qabtay magaaladda Addis Ababa.

Wasiirku wuxuu ugu baaqay Shacabka Soomaalida in ay deris wanaag kula noolaadan Qowmiyadaha deriska la ah, xili Qowmiyada Oromada lagu eedeynayo in ay weeraro ku hayaan dhulka Soomaalida.

Talaabaddaan ayaa kusoo beegmaysa iyada oo gobolka ay ka jirtay maalmihii u dambeeyay xiisad ka dhalatay markii ciidamada Federaalka Itoobiya ay qabsadeen Magaalada Jigjiga, taasoo barakicisay dad badan, kuwa kalena lagu dilay.

GAROWE ONLINE +WAKAALADAaHA

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM