Facebook oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta colaada Tigray

Image
Shirkadda oo lagu eedeeyay buunbuuninta dagaalada ayaa laga doonayaa $2 bilyan oo magdhow ah.

NAIROBI, Kenya - Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laga furey dacwad ka dhan ah shirkadda Facebook, iyada oo lagu eedeeyay in ay sii hurisey dagaaladii ka jirey Itoobiya ee u dhaxeeyay dowladda iyo Jabhadda TPLF.

Dacwadan ayaa waxaa furey cilmi baare lagu magacaabo Abraham Maereg, hay’adda xuquuqda aadanaha Amnesty iyo urur kale oo Kenya ka dhisan, waxaana shirkadda laga doonayaa magdhow $2 bilyan doolar ah.

Shirkadda Facebook ayaa si gaar ah waxaa loogu haystaa in ay fududeysay buunbuuninta dagaalada iyo faafinta wararka been abuurka ah ee dagaalada sii huriyay.

Waxaa shirkadda laga doonayaa in ay wax ka badesho farsamaha Algorithm-ka loo yaqaano, islamarkaasna shaqaalaysiisato dad afafka maxaliga ah ku hadla si ay u sahlanaato in la faafreebo waxyaabaha aanan habboonayn.

Muuqaalo, sawiro iyo qoraalo been abuur ah oo tiro badan ayaa si weyn loogu faafiyay Facebook intii uu socday dagaalkii Itoobiya ee dhowaanta heshiiska laga gaaray.

Abraham ayaa xusay in uu ka midyahay dadka dhibbanaha u ah wararka been abuurka ah ee Facebook kadib markii la diley aabihiis oo ahaa bare jaamacadeed oo ay dileen kooxo hubeysan markii laga faafiyay warar been abuur ah.

Colaadda waqooyiga Itoobiya ayaa hadda u muuqata mid lasoo afmeeray maadaama dhinacyadda dirirtu u dhaxeysay ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed oo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika ayna taageereen reer galbeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM