Fahfaahin ku saabsan Dhulgariirka Kenya

Image

NAIROBI - Dhulgariir ayaa caawa abaare 7pm laga dareemay magaalooyinka Nairobi, Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu ee dalka Kenya, kaasi oo shacabka cabsi badan ku abuuray.

Sida laga soo xigtay shabakadda [www.earthquaketrack.com], dhulgariirka oo cabirkiisu gaarayay a 4.8 magnitude ayaa ku dhuftay sidoo kale magaaladda Wundanyi ee gobolka Taita Taveta 7.21pm.

Dhulgariirka oo ahaa mid aan xoog laheyn, ayaa socda mudo ilbiriqsiyo ah, iyadoo saraakiisha dalka Kenya ay sheegeen inuusan jirin wax khasaaro ah oo laga soo wariyay meelaha uu ku dhuftay.

Wararka ayaa sheegaya in gobollada qaar ay korontadii ka tagtay, waxaana hay'adda cimiladda qaranka Kenya ay sheegtay in xaaladda ay caadi kusoo laabatay dhulgariirka kadib.

Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi ayaa kasoo baxay dabaqyada dhaadheer ee ay degan yihiin cabsi ay ka qabeen inay kusoo dumaan, iyadoo ku abuurmay welwel xooggan iyo argagax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM