Farmaajo oo Uhuru kula kulmaya Uganda xilli muran badda sii xoogeysanayo

Image

KAMPALA - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishan gudaheeda kula kulmaya magaaladda Kampala ee caasimadda Uganda dhigiisa Kenya, Uhuru Kenyatta xilli xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal uu xumaaday.

Labada Madaxweyne ayaa ka qeybgalaya Shirka Afrikada maanta [Africa Now Confrence], oo dhacaya 12-ka iyo 13-ka bishaan Maarso, waxana martigelinaya Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

Kulanka Kampala, oo ay kasoo qeybagali doonaan Madaxweniyaasha Masar, Rwanda, South Africa ayaa waxaa qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Istaraatiijiyadda iyo Hoggaaminta Afrika, oo uu fadhigiisu yahay Uganda.

Madaxtooyadda Kenya ayaa sheegtay in Uhuru uga faa'ideysan doono Shirka inuu si gaar ah ula kulmo Farmaajo si ay uga wadahadlaan xiisadda diblumaasiyadeed ee dalkiisa kala dhaxeysa Soomaaliya taaso oo salka ku heysa murank xuduuda badda.

16-kii bishii lasoo dhaafey, dowladda Kenya ayaa dib ugu yeeratay safiirkeeda Muqdisho, iyadoo sidoo kale Safiirka Soomaaliya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ku amarty inuu Nairobi ka baxo, oo dib dalkiisa ugu laabto.

Kenya ayaa qaadey tallaabada kadib markii ay ku eedeyso dowladda Federaalka Soomaaliya inay xirmooyin shidaal [Oil Blocks] oo ku jira badeeda ku xaraashtay Shir ay ku qabatey London 7-dii bishii Febuary ee 2019.

Shirka Kampala ayaa fursad u noqon doona inay ku kulmaan Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, si ay ugu muujiyaan caalamka in labada dal ay muranka ka dhaxeeya ay kawada hadli karaan faragelin la'aan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan markii Kenya u yeertay safiirkeeda oo xiisadu billaabatey booqday Masar, isagoo Qaahir kula kulmay Fatta Al Sisi.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka dhaxeeya xiriir ku qotoma dhaqaalaha iyo bulshada, oo midba midka kale lumin karin waxaana muranka badda uu yahay mid mudo soo jiitamayay oo la horgeeyay Maxkamdda ICJ sanadkii 2014.

Khaadka ka baxa Kenya ayaa suuqa ugu weyn ee loo iib-geeya waa Soomaaliya, waxaana kasoo gasha ganacsatada Kenya malaayiin dollar maalintii.

Kenya ayaa martigelinaysa boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah oo ku jira Dhadhaab, iyadoo Soomaali badan ay ganacsi ku leeyihiin Nairobi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM