Ganacsade laga soo tarxiilay Zambia oo Hanjabay

Image

LUSAKA - Dowlada wadanka Zambia ayaa 22 bishaan wadankeeda kasoo Tarxiishay ganacsade, Cabdulaahi Axmed Yare "Guutaale" oo dalkaasi daganaa sida uu sheegay muddo 26 sano ah.

Guutaale oo waraysi siiyay warbaahino kala duwan ayaa ku eedeeyay ganacsato ay kala beel yihiin oo dagan wadankaasi in ay deegaan ahaan u beegsadeen.

"Aniga deegaan ahaan ayaa la ii beegsaday waana la arki doonaa waxa dhici doona ayuu ku hanjabay" walaw uusan faah-faahin ka bixin.

Warar ay heshay Garowe Online ayaa sheegaya in Guutaale uu haysto dhalashada wadankaasi isla markaana horey sidaan oo kale looga tarxiilay dalkaas isla markaana aysan ahayn markiisi ugu horaysay.

Ganacsadahan ayaa ku xaniban sida uu sheegay garoonka diyaaradaha ee caasimada wadanka Itoobiya isaga oo intaasi ku daray in xoolihiisa iyo dharkiisi xitaa uusan meel ku ogayn.

Jaaliyadaha soomaalida ee inta badan dalalka caalamka ayaa isku haysta hogaanka ururo iyo jaaliyado aanan shaqo aan ka ahayn u xafladaynta iyo u heesida madaxda xiliyada qaar dalalkaasi tagan walaw mida Zambia ay sidaas ka duwan tahay oo ay dhaqaalaha xooga saaraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM