Ghad: Ku dhowaad 20 qof oo ku nafwaayay shil baabuuur

Image
In ka badan 3,000 qof ayaa sanad walba shil ugu dhinta waddankan, sidda ku xusan tirokoob rasmi ah.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay dalka Chad ee dhaca bartamaha Afrika ka dib markii uu shil bas ku dhacay gaari xamuul ah, halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.

Shilkan ayaa dhacay saqdii dhexe ee maalintii Khamiista. Baska waxaa saarnaa 31 qof waxaana uu ka ambabaxay caasimadda N’djamena, kuna sii jeeday magaalada Abeche ee bariga dalkaasi.

Gaariga kale ee xamuulka ah ayuu ku dhacay xilli uu marayay magaalada Oum-Hadjer oo qiyaastii 140 KM u jirta halka uu u socday, sidda lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka.

"18 ka mid ah dhibanayaasha ayaa isla goobta ku dhintay, halka labo ka mid ah ay ku dhinteen dhaawacyadii dambe isbitaalka Abeche subaxnimadii Jimcaha," ayay tiri wasaaraddu.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa, sidda ku xusan war-saxaaafdeedka, waxay intaa ku dartay in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay weli ku jiraan "xaalad halis ah".

Natiijada baaritaanka ugu horreeya ayaa sheegaya in shilku uu ka dhashay ka dib markii loo hoggaansami waayay shuruucda badbaadada waddooyinka haddii ay dhacdo in baabuurku ku xumaado wadada, sidoo kale "xawaaraha, culeyska baabuurka culus, daalka iyo taxadar la'aanta darawalka," ayay tiri wasiirka gaadiidka Faadumo Goukouni Weddeye, oo hoosta ka xariiqay in "tallaabo adag" laga qaadi doono dembiilayaasha.

Shilalka jidadka ayaa celcelis ahaan sababa in ka badan 3,000 geeri sanad walba gudaha Chad iyo khasaaro hanti oo dhan in ka badan $160 milyan oo khasaare ah waxaana ugu wacan burburka waddooyinka iyo jabinta shuruucda dalka.

GAROWE ONLONE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM