Ghad oo ku biireysa dalalka safaaradaha ka furanaya Tel Aviv

Image
Talaabadan ayaa lagu shaaciyay qoraal ay si wadajir ah u soo saareen hogaanka labada dhinac.

NAIROBI, Kenya - Dalka Chad ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Khamiis ah uu safaarad ka furto magaalada Tel Aviv ee bartamaha Israa’iil kadib markii uu dib u soo laabtay xiriirkooda laba geesoodka ah sanadka 2019-ka.

Arrintan ayaa lagu shaaciyay Arbacadii qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Madaxweynaha Chad Mahamat Deby oo booqasho rasmi ah ku jooga Israa’iil.

"Xiriirka Israa'iil iyo Chad waxaa dhidibadda u taagay aabahaa dhintay [Madaxweynihii hore ee Chad Idriss Deby],” ayuu Netanyahu ku yiri war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiskiisa.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan rumeysannahay in iskaashigayagu uusan caawin karin oo keliya horumarinta xiriirkayaga iyo iskaashigayada laakiin sidoo kale waa qayb ka mid ah soo noqoshada Israa'iil ee Afrika iyo Afrika oo ku soo laabanaysa Israel".

Netanyahu oo dhowaan mar kale loo doortey xafiiska ayaa wuxuu intaas ku daray: "Waxaan leenahay yoolal isku mid ah oo ah dhinacyadda amniga, barwaaqada iyo xasilloonida".

Dhinaciisa, madaxwayne Mahamat Deby ayaa hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu xoogga saari doono sidii uu xiriirkaas uga faa'iideyn lahaa shacabkiisa gaar ahaan dhanka horumarka.

Israa’iil iyo Chad ayaa la aaminsan yahay in ay cilaaqaad samaysteen sanadka markii uu ahaa 1960-kii. Laakin N’Djamena waxay xiriirka u jartay Tel Aviv sanadka markii uu ahaa 1972-dii kadib cadaadis maxalli ah iyo Carabeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM