Goorma militeriga Sudan ka baxayaa siyaasadda?

Image

Ciidamada Militariga Sudan ayaa ka bixi doona siyaasadda dalkaas, kadib doorashada la qorsheeyay ee sanadka 2023-ka, sida uu sheegay General Abdel Fattah al-Burhaan oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters Sabtidii shalay.

Wuxuu General al-Burhaan intaa ku daray in militarigu aanu wax door ah ku yeelan doonin is bedelka Sudan.

“Marka la doorto dowlad, ma filaayo in ciidan ama nabad sugid ay ka qeyb galayaan siyaasadda, waana taas midda aan ku heshiinay, waana xaalad dabiiciga ah” ayuu yiri Burhaan.

Kadib la wareegidii militari ee uu hogaaminayay al-Burhaan dabayaaqadii October, taas oo dib u dhac ku keentay dimoqraaiyadda Sudan ee ay hogaaminayaan xubnaha rayidka ayaa dhinacyada militariga iyo rayidku waxay bishii hore ee November 21-dii gaareen heshiis dib loogu soo celiyay Ra'iisul Wasaare Abdalla Hamdok, si uu u hogaamiyo Gole Wasiiro ilaa laga gaarayo doorashada July 2023.

Afgambigii militariga oo soo afjaray wadashaqayntii ay la lahaayeen axsaabta siyaasadda ee rayidka ah kaddib ridistii Cumar Al-Bashiir, ayaa la kulmay dhaleeceyn caalami ah, kaddib markii xabsiga loo taxaabay tobaneeyo mas’uul oo muhiim ah, isla markaana la xiray dibadbaxayaal.

Kooxaha la baxay 'iska caabbinta' iyo axsaabta siyaasadda ayaa ugu baaqay in si degdeg ah ay hoggaamiyeyaasha militarigu uga baxaan siyaasadda, iyadoo diiday heshiiska cusub ee uu qeybta ka yahay Ra'isul Wasaare Hamdok waxaanaa weli socda dibaxbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo militariga.

Ugu yaraan 44 qof ayaa ku dhintay intii ay socdeen mudaaharaadyadu, kuwaas oo intooda badan ay ka soo gaareen dhaawacyo rasaas ah oo ay fureen ciidamada ammaanka, sida laga soo xigtay dhaqaatiirta Sudan.

Related Articles

Ciidan Itoobiyaan ah oo ka gudbay xadka Kenya iyo xiisad dagaal oo ka dhalatay

Warbixin rasmi ah oo laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Moyale (OB No. 32/22/11/2025) ayaa tilmaamaysa in ciidamada Kenya Police.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 12:44PM

Nigeria: 303 Arday iyo 12 Macallin oo La Afduubay, Warbixin Cusub oo La Soo Saaray

Ardayda la afduubay waxay yihiin wiilal iyo gabdho da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 18 sano, sida ay sheegeen Saraakiisha amniga.

  • Afrika

    23-11-2025

  • 06:25AM