Gudoomiyahii Baarlamaanka DDSI iyo mas'uul kale oo is-casilay

Image

JIGJIGA - Maxamed Rashiid Isaaq oo ahaa, Afhayeenkii Baarlamaanka ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu iska casilay xilkii hayey, sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Khadar Cabdi Ismaaciil oo ahaa Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya uu isana ka tegay shaqadda.

Ma cadda sababta ay Jagooyinkooda uga tageen, balse, waxay kusoo beegmaysaa xili siyaasadda degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka jirto isbedalo waa wayn oo hogaanka maamulka ku dhacay.

Labadaan masuul oo kamid ahaa Sharci-dejiyaasha ugu muhiimsan gobolka ayaa waxay ka tirsan yihiin Xisibiga taladda haya ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loosoo gaabiyo magaciisa ESPDP.

Arrimahaan ayaa waxay kusoo beegmaya xili kulamo looga arrinsayo mustaqbalka gobolka ay ka soconayaa Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo xubno badan ay joogaan.

Cabdi Cumar Maxamed oo ahaa Hogaamiyaha Xisbiga taladda haya ee DDSI, iyo Madaxwaynaha ayaa is-casilay, waxaana loo doortay madaxa Xisbiga Axmed Shide oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee dowlada Federaalka Itoobiya.

Axmed Cabdi Maxamed [Ilka Case] ayaa loo xushay inuu noqdo Madaxwaynaha dowlad degaanka kadib is-casilaadda Cabdi Illey, waxaana uu horey usoo ahaa Ilka Case Wasiirka Maaliyada gobolka.

Ilka Case iyo Axmed Shide ayaa waxaa la fahansan yahay inay xulufo dhow la yihiin Cabdi Ille. Waxaa la filayaa in doorasho ka dhaco maamulkaas dhowaan.

Is-casilaada Afhayeenka Baarlamaanka ee dowlad degaanka iyo Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee gobolka ayaa waxay wali yihiin kuwa boosaskooda uu banaan yahay, inkasta oo dhowaan la filayo in la xusho dadkii lagu bedali lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Taliyaha AFRICOM kala hadlay Cirro iyo Abiy Axmed?

General Langley oo la socday Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan ayaa booqday magaaladda Berbera.

  • Afrika

    21-06-2025

  • 09:07AM

Zimbabwe oo hilib maroodi u qeybinaysa dadka abaaraha saameeyay

Go’aankan ayaa qayb ka ah qorshe lagu xakameynayo tirada maroodiga ee ku nool keymaha dalkaas.

  • Afrika

    09-06-2025

  • 09:17AM