Gudoomiyahii Baarlamaanka DDSI iyo mas'uul kale oo is-casilay

Image

JIGJIGA - Maxamed Rashiid Isaaq oo ahaa, Afhayeenkii Baarlamaanka ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu iska casilay xilkii hayey, sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Khadar Cabdi Ismaaciil oo ahaa Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya uu isana ka tegay shaqadda.

Ma cadda sababta ay Jagooyinkooda uga tageen, balse, waxay kusoo beegmaysaa xili siyaasadda degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka jirto isbedalo waa wayn oo hogaanka maamulka ku dhacay.

Labadaan masuul oo kamid ahaa Sharci-dejiyaasha ugu muhiimsan gobolka ayaa waxay ka tirsan yihiin Xisibiga taladda haya ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loosoo gaabiyo magaciisa ESPDP.

Arrimahaan ayaa waxay kusoo beegmaya xili kulamo looga arrinsayo mustaqbalka gobolka ay ka soconayaa Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo xubno badan ay joogaan.

Cabdi Cumar Maxamed oo ahaa Hogaamiyaha Xisbiga taladda haya ee DDSI, iyo Madaxwaynaha ayaa is-casilay, waxaana loo doortay madaxa Xisbiga Axmed Shide oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee dowlada Federaalka Itoobiya.

Axmed Cabdi Maxamed [Ilka Case] ayaa loo xushay inuu noqdo Madaxwaynaha dowlad degaanka kadib is-casilaadda Cabdi Illey, waxaana uu horey usoo ahaa Ilka Case Wasiirka Maaliyada gobolka.

Ilka Case iyo Axmed Shide ayaa waxaa la fahansan yahay inay xulufo dhow la yihiin Cabdi Ille. Waxaa la filayaa in doorasho ka dhaco maamulkaas dhowaan.

Is-casilaada Afhayeenka Baarlamaanka ee dowlad degaanka iyo Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee gobolka ayaa waxay wali yihiin kuwa boosaskooda uu banaan yahay, inkasta oo dhowaan la filayo in la xusho dadkii lagu bedali lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM