Nin xaaskiisa si xun mindi ugu dhaawacay

Image

NAIROBI, Kenya – Haweenay 30-sano jir ah ayaa u dagaalameysa badbaada nolosheeda kadib markii uu 17 jeer tooriyeeyay seygeeda.

Peninah Wangechi, oo ah hooyo saddex caruur ah dhashay, ayaa la mindiyeeyay habeenkii Khamiistii markii ay murmeen ninkeeda.

Falkan ayaa ka dhacay gobolka Karatina oo kamida wadanka Kenya.

Dhibanaha oo dhaawacyo kasoo gaareen dhabarka dambe, feeraha iyo wajiga ayaa haatan ku jirta isbitaal halkaasi oo lagu daaweynayo.

Iyadda oo gudaha isbitaal kula hadlaysa warbaahinta, Peninah ayaa sheegtay in guurkeeda uu hareeyay colaad ka jirta degaanka Ndirangu.

"Tacadiyo jireed ayaa sidoo kale iigu geystay [Ndirangu]," ayay hadalkeeda raacisay, sida ay kasoo xigatay warbaahinta.

Benson Ngari, dhakhtarka maamulaya kiiskaan, oo xusay in xaaladeeda ay hagagasan tahay ayaa sheegay in minida aysan jirkeeda si qoto dheer u gelin.

Ninka la tuhunsan yahay in uu falku sameeyay Samuel Ndirangu ayaa isku dhiibay Booliska oo si lamid ah sheegay in ay baaritaano ku sameyn doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM