Haweenaydii 1aad oo ra'iisul wasaare ka noqotay Tunisa

Image
Najla Bouden Romdhane ayaa sidoo kale waxay noqoneysaa ra'iisul wasaarihii todobaad tan iyo kacdoonkii 2011-kii.

TUNIS, Tunisia - Madaxweynaha Tunisia, Kais Saied, ayaa u magacaabay Najla Bouden Romdhane, oo ah Injineer jaamacadeed da'yar ah lana shaqeeyay Bangiga Adduunka, inay noqoto ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee haweeney ah, ku dhawaad ​​laba bilood ka dib markii uu kula wareegay gabi ahaanba awooda wax ay mucaaradka ugu yeereen afgembi.

Romdhane ayaa xilka la wareegaysa xilli ay jirto dhibaato qaran oo ay ku jirto shaki soo wajahay guulaha dimuqraadiyadeed lagu guuleystay kacdoonkii 2011-kii iyo dhibaato dhaqaalaha oo shacabka ku yimid.

Saied wuxuu eryay ra'iisul wasaarihii hore. Sidoo kale, wuxuu laalay baarlamaankii. Wuxuu isku koobay awoodihii fulinta bishii Luulyo. Tan iyo xilligaas, waxaa ku kordhayay cadaadiska gudaha iyo dibadda.

Toddobaadkii la soo dhaafay, wuxuu dhinac iska dhigay wax badan oo dastuurka ka mid ah si uu u sheegto inuu ku xukumi karo inta badan digreeto. Beesha Caalamka waxay ku cadaadineysay dhismaha xukuumad.

Magacaabida Romdhane ayuu u cuskadey qodobo uu ku dhawaaqay toddobaadkii hore wuxuuna ka codsaday inay si degdeg ah u soo dhisto xukuumad cusub, sida ay sheegtay Madaxtooyadda.

Romdhane ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii tobnaad ee Tunisia tan iyo kacdoonkii 2011-kii oo xukunka looga tuuray kaligii taliyihii muddada dheer Zine El Abidine Ben Ali, taasoo dhalisay kacdoonkii Guga Carabta.

Dalku wuxuu wajahayaa dhibaatooyin maaliyadeed si xawli ah ku socota ka dib markii sanado badan oo dhaqaaluhu ahaa mid sii xumaanayey sababo la xiriira cudurka faafa ee Covid-19 iyo is-qabqabsiga siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM

Itoobiya oo Turkiga ka Codsatay Taageero ku Saabsan Helitaanka Marin-Badeed

Abiy ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha Turkiga inay kordhiyaan maalgashiga ay ku sameeyaan Itoobiya.

  • Afrika

    18-02-2026

  • 01:55PM