Hogaamiyeyaasha afgembiga Niger oo "talaabo culus qaadaya"

Image

NAIROBI, Kenya - Khubarada arimaha dalalka Galbeedka Afrika ayaa ka digaya tilaabooyin cusub oo ay qaadaan hogaamiyayaasha afgenbiga dalka Niger.

Saraakiisha xukunka la wareegay oo taageero xoogan ka haysta hogaamiyayaasha Mali iyo Burkina Faso ayaa laga walaacsan yahay in ay ku dhawaaqaan "Con-federalism" ay isla qaataan Mali,Niger iyo Burkina Faso.

Tilaabadaan ayaa sii xoojin doonta sidoo kale saamaynta uu Ruushku gobalka ku leeyahay waxayna kusoo aadaysaa xilli maalintii shalay ay ku ekayd muddo uu ururka "ECOWAS" u qabtay hogaanka Afgembiga in ay xukunka kusoo celiyaan madaxweyne, Bazoum hadii kale ay qaadi doonaan dalalkaasi tilaabo Milatari.

Barnaamijka "Maa waraa Al-khabar" ee Telefishinka Aljazeera oo lagu gorfeeyay xaaladda Niger ayay khubaradu isku raaceen in ay adag tahay in xiligaan faro-gelin Milatari lagu sameeyo dalkaasi isla markaana uu khasaaruhu badnaan doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM