Howlgal militari oo lagu dilay 200 oo dagaalyahan

Image

MALI - Ciidamada Mali ayaa sheegay in howlgal ay ka fuliyeen bartamaha gobolka Saaxil ay ku dileen 203 dagaalyahan, iyadoo howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee dalkaasi uu sheegay inay maqleen warbixinno ku saabsan dhimashada dad rayid ah, taasoo sare u qaadaysa walaaca dhanka xuquuqda aadanaha ah.

Ciidanku waxay sheegeen in hawlgalku uu ka dhacay gobolka Mora ee badhtamaha dalka Maali.

Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo warar badan oo baraha bulshada lagu faafiyay todobaadkan, Mali lagu eedeeyay in tobanaan qof oo ay ku jiraan dad rayid ah lagu dilay Mora.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegtay in aysan si dhab ah u kala cadayn khasaaraha gaaray dadka rayidka ah kuwa ciidanku sheegteen.

Helitaanka wararka, goobaha ay iskahorimaadyada ka dheceen ee Mali iyo la'aanta ilo xogo madax banaan waxay la macno tahay in tirooyinka ay bixiyeen dowladda ama kooxaha hubaysan ay adagtahay in la xaqiijiyo.

"Militeriga Mali ayaa soo saaray bayaan ka dib markii xanta baraha bulshada lagu sheegay in 300 oo qof oo rayid ah lagu dilay tuulada Mora taasoo ay ku sheegeen inay ahayd 'howlgal ka dhan ah argagixiso'. Waxay sheegeen inay dileen in ka badan 300 oo ‘argagixiso’,” ayuu yiri Nicholas Haque oo Al Jazeera ka tirsan, isagoo ka soo warramaya magaalada Dakar ee deriska la ah Senegal.

Haque waxa uu sheegay in dawladda Mali ay aaminsan tahay in aaggaas ay maamulaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo ISIL (ISIS). Markaa waxaa la sameeyay dadaal lagu doonayo in dib loogu soo celiyo gacan ku haynta deegaanka.

“Laakin caqabada jirta ayaa ah in qofna uusan si dhab ah u ogeyn waxa dhacaya, waxaa yar gelitaanka aagga ay howlgalladan ka socdaan. Tiro saxafiyiin ajnabi ah ayaa dalka dibaddiisa loo diray si ay u soo tebiyaan waxa ka socda Mali."

Dal faqiir ah oo ay ku nool yihiin 21 milyan oo qof, Mali waxay la halgamaysay sidii ay u xakamayn lahayd kacdoon hubaysan oo soo ifbaxay 2012, ka hor inta uusan ku fidin dalalka deriska ah ee Burkina Faso iyo Niger.

Meelo badan oo dalka ka mid ah waxaa gacanta ku haya kooxo fara badan oo fallaago ah iyo maleeshiyaad, waxaana dagaalladaas lagu dilay kumannaan askar iyo rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 100 caruur agoon ah loo sameynayo aroos wadareed

Talaabadan ayaa carro xooggan waxa ay ka dhalisay guud ahaan waddanka Nigeria.

  • Afrika

    18-05-2024

  • 03:35AM

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM