In ka badan 100 qof oo lagu dilay dagaal beeleed bartamaha Nigeria

Image
Dabley ayaa weerar gaadmo ah waxay ku qaaday tuulooyin iyaga oo gubey guryo badan.

ABUJA, Nigeria - Tirada dadka ku dhintay dagaalka u dhaxeeya beeralayda iyo xoolo dhaqatada gobolka Plateau ee waqooyi-bari ee Nigeria ayaa kor u dhaaftay 100 qof iyadoo dadka deegaanka ay baadi goobayaan meydad hor leh oo la aaminsan yahay in ay duurka ku jiraan, sidda ay sheegeen dadka deegaanka, mas'uuliyiin iyo illo madax-banaan.

Dabley hubaysan ayaa weerar ku qaaday tuulooyin waxayna gubeen guryo badan oo ku yaala deegaanka Mangu Talaadadii iyadoo ugu yaraan 20 qof markii hore lagu qiyaasay inay dhinteen, oo u badan dumar iyo carruur.

Rabshadaha ayaa aargoosi u ahaa beeralayda oo dilay xoolo-dhaqato iyo lo'diisii ​​oo ku soo xad-gudbay dhulkooda bishii hore, sidda uu Jimcihii sheegay Bello Yahaya oo kamid ah xoolo-dhaqatada deegaanka.

Gudoomiyaha dawlada hoose ee Mangu Minista, Daniel Daput, ayaa xusay in aas wadareed loo sameeyay ilaa 50 qof. Dadka deegaanka ayaa sheegay in 50 kale la aasay Jimcihii, waxaana ay baadi goob ugu jireen dad kale oo la la’yahay.

Plateau waa mid ka mid ah dhowr gobol oo asal ahaan iyo diin ahaanba lagu kala duwan yahay loona yaqaan Nigeria’s Middle Belt, halkaas oo iska-hor-imaadyo beeleed ay ku dhinteen boqolaal qof sannadihii la soo dhaafay.

Makut Simon Macham, oo ah afhayeenka barasaabka Plateau, ayaa tibaaxay in mas’uuliyiinta ay qiimeynayaan xaaladda ayna maxkamadeyn doonaan tuhmanayaasha, laakiin ma uusan bixin karin tirada khasaaraha.

Rabshadaha ayaa inta badan loo sawiraa inay tahay iskahorimaad qawmiyad-diimeed ah oo u dhexeeya xoolo-dhaqato Muslim ah oo reer guuraa ah - oo u badan qowmiyadda Fulani - iyo reer miyi Masiixiyiin beeralayda asaliga ah. Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa rumeysan in isbeddelka cimilada iyo ballaarinta beeraha ay sidoo kale sii hurinayaan colaadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM