In ka badan 60 qof oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen doon degtay

Image
Ku dhawaad ​​dhammaan dadkii la socday doonta ayaa loo maleynayaa inay ka yimaadeen Senegal.

NAIROBI, Kenya - In ka badan 60 qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii dooni ay la socdeen laga helay xeebta Cape Verde ee Galbeedka Africa.

Soddon iyo siddeed qof oo ay ku jiraan carruur ayaa la soo badbaadiyay, iyadoo la arkayay muuqaallo muujinaya iyaga oo laga caawinayo xeebta, qaarkoodna ay saaran yihiin sariiro, jasiiradda Sal.

Ku dhawaad ​​dhammaan dadkii la socday doonta, oo badda ku jirtay muddo bil ka badan, ayaa loo maleynayaa inay ka yimaadeen Senegal.

Saraakiisha Cape Verde ayaa ku baaqay in tallaabo caalami ah laga qaado socdaalka si looga hortago khasaaro kale oo nafeed.

Markabka ayaa markii ugu horreysay la arkay Isniintii, sida ay booliisku u sheegeen wakaaladda wararka laga leeyahay Faransiiska ee AFP. Wararkii ugu horeeyay ayaa waxay sheegayaan in doonida ay degtay balse markii dambe ayaa la cadeeyay in la helay iyadoo sii socota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa.

  • Afrika

    05-04-2026

  • 12:29PM

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM