Injineero lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ka geysatay Kenya

Image
Falkan ayaa ka dambeeyay markii gaari ay la socdeen uu haleelay miino jidka dhinaciisa lagu aasay.

NAIROBI, Kenya - Booliiska Kenya ayaa Arbacadii sheegay in dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab ay afar qof ku dileen gobolka waqooyiga qaar kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Warbaahinta ayaa warisay in dadka la dilay ay saddex kamid ah ahaayeen Injineero ka tirsan maamulka Wadooyinka Kenya (KeNHA) kuwaas oo ku guda jiray qiimeynta joogtada ah ee wadada.

Weerarkan ayaa ka dambeeyay markii gaari ay la socdeen uu haleelay miino jidka dhinaciisa lagu aasay, sidda laga soo xigtey saxaafadda oo soo xigatay illo ka tirsan booliska.

Baabuurka ayaa qeyb ka ahaa kolanyo dib u laabtay kadib markii gaari noociisu yahay Toyota Hilux Double Cabin uu ku burburay qaraxa, sida ay booliisku sheegeen.

"Gaadiidkii kale waxay ku noqdeen xerada Hailey Chinese," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kooban oo taliska booliska oo la wadaagay xafiisyadda war-qabka ee warbaahinta.

Taliyaha booliiska Waqooyi Bari George Seda ayaa xusay in kooxihii weerarka geystay ay baxsadeen, waxaana loo diray booliiska degaanka si ay u daba-galaan oo ay u xoojiyaan ammaanka dadka deegaanka.

Isla deegaankan oo ka tirsan ismaamulka Garissa ayaa lala beegsaday weerar kan la mid ah oo bishii December lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah iyo qof rayid ah.

Weerarkaas waxaa loo aaneeyay maleyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab kuwaasoo inta badan Kenya ka soo galay xadka aan la wadaagin Soomaaliya si ay weeraro uga geystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM