Isbuurasho ka dhacdey goobta lagu dhaarinayo William Ruto

Image
Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhaawacantey dhacdadan oo timid kahor inta aysan bilaaban munaasabadda.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhaawacantay isbuurasho ka dhacday bannaanka hore ee xarunta ciyaaraha caalamiga ah ee Moi ee Kasarani subaxnimadii Talaadada maanta ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii boqolaal Kenyan ah oo ka qeyb galayay caleema saarka madaxweynaha la doortay William Ruto ay xoog ku galeen garoonka.

Tani ayaa soo dadejisay in goobta lagu daabulo ciidamo boolis ah oo tiro badan si ay xaaladda u xakameeyaan ka dib markii goobtu isku beddeshay fowdo. 

Muqaalo laga soo duubay dhacdadan oo si weyn ugu faafay baraha bulshadda ayaa muujinayay dad aad u faro badan oo garoonka ku soo qul qulaya oo si xamaasad leh u qaylinaya.

Ugu yaraan 17 Madaxweyne, 8 Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweyne ku xigeen iyo 7 wasiir arrimo dibadeed ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Ruto. Sagaal ergey oo gaar ah, todobo hay'adood oo caalami ah iyo hal madaxweyne hore ayaa kamid ah liiska martida.

Dhammaan madaxweynayaasha oo hogaamiya dalalka Bariga Afrika ayaa la filayaa inay si weyn ugu soo dhaweeyaan xafladda dhaarinta oo ka dhici doonta garoonka Kasarani.

Qalcada caanka ah ee Kasarani oo qaada kaliya 60,000 qof ayaa la sheegay in ay qeyb ahaan buuxsantay isla markaana kaliya ay hartey qaybta loogu talagalay martida muhiimka ah ee la casuumay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo sheegtay inay iska difaacayso “duullaan ballaaran” oo Eritrea ku soo qaaday

Dagaallada dib u soo cusboonaaday ayaa sare u qaaday cabsi laga qabo in gobolka Geeska Afrika uu galo dagaal ballaaran.

  • Afrika

    10-10-2026

  • 11:27AM

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM