Dagaal lagu hoobtey oo dhexmaray Oromada iyo Amxaarada

Image
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay magaalada Jewuha ee gobolka Axmaarada.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhowr iyo toban qof oo rayid ah iyo dagaalameyaal lagu dilay dagaal Qowmiyadaha Oromada iyo Axmaarada ku dhexmaray bartamaha Itoobiya.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu ka dhacay magaalada Jewuha ee gobolka Axmaarada. Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dagaalyahanno loo malaynayo inay ka tirsan yihiin jabhadda Xoreynta Oromada ay weerareen xero ay isticmaalaan ciidamada gaarka ah ee Axmaarada ayna dileen in ka badan 20 ka mid ah.

Dadka degaanka ayaa intaas ku daray inay gacan ka geysteen aaska saddex qof oo rayid ah. Dagaalka ayaa sidoo kale ku fiday magaalooyin kale, sida uu sheegay goobjoogaha.

Maamulka Gobolka Axmaarada ayaa Arbacadii shalay xaqiijiyay iska horimaadkaasi, waxayna sheegeen in xubno ka tirsan ciidamada federaalka, booliska federaalka iyo ciidamada gobolka Axmaarada ay ku hawlan yihiin sidii xaaladda loo xakamayn lahaa.

Qowmiyadaha Axmaarada iyo Oromada oo ah labada qoomiyadood ee ugu waaweyn dalka Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan adag oo ku saabsan awood-qeybsiga iyo maamulka.

Axmaarada ayaa la wariyey in ay beegsadeen dhowr goobood oo ku yaala gobolka Oromiya ee dariska la ah ayna taas sabab u noqotey cadaawadda aan dhamaadka lahayn.

Oromada ayaa sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen weeraro lagu hoobtay oo ay geysteen Axmaarada. Dowladda federaalka Itoobiya ayaa u muuqata in ay ku fashilantey daminta colaadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM