Israa'iil oo dalbatay in ay dhexdhexaadiso colaadda Suudaan

Image
Mareykanka ayaa la sheegay in uu xog-ogaal ah u yahay faragelinta Israa'iil ee dagaalkan sokeeye.

KHARTUUM, Suudaan - Maamulka Yahuuda ayaa bilaabay dhex-dhexaadin ay ugu kala dab-qaadeyso labada janaraal ee kala hogaaminaya colaadda Suudaan, sidda ay warisay saxaafadda caalamka.

Jeneraal Cabdel Fataax Al Burhaan,taliyaha milatariga Suudaan, iyo Maxamed Xamdaan Ximaydti, horjoogaha xoogaga RSF, ayaa la sheegay in loo bandhigay in Yahuudu ay heshiisiineyso.

Warsidaha Axios oo faafiyey warbixintan ayaa tabiyey "in uu muuqdo horumar kooban oo waan-waantaas kasoo if-baxdey". Hase ahaatee, ma bixin tafaasiil dheeraad ah.

Sidda laga soo xigtay qormadda Jariiradan, Mareykanka ayaa xog-ogaal ah u ah faragelinta Israa'iil ee dagaalkan sokeeye. Balse, illaa haatan dhinacyadda Suudaan wali ma aysan xaqiijin.

Bishii koowaad ee sanadkii 2021-kii, Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay caadi ka dhigtay xiriirka ay la leedahay Israel iyada oo wafuud labada dhinac ah la is waydaarsaday. Falkaas wuxuu abuuray carro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM