Itoobiya iyo Jabuuti oo qalinka ku duugay heshiis shidaal

Image
Labada wadan ee dhaca geeska qaarada Afruka ayaa si wadajir ah hoosta uga xariiqay in hindisahaan.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dowladaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) si ay u sahamiyaan fursadaha wadajirka ah ee horumarinta xarun kaydinta saliidda ee Beerta Warshadaha ee Damerjog ee Jabuuti.

Madaxa fulinta ee shirkadda maalgashiga Itoobiya, Mamo Merhertu oo ah guddoomiyaha maamulka dekedaha, aagagga xorta ah ee Djibouti, iyo Great Horn Investment Holding, Aboubaker Omar Hadi ayaa saxeexay is-afgaradka.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Is-afgaradku wuxuu damacsan yahay inuu abuuro jawi ku habboon mustaqbalka in si wadajir ah loo horumariyo marinnada kaydinta shidaalka ee Jabuuti taasoo ugu dambaynta gaarsiin doonta heer aad u sarreeya xiriirka dhaqaale ee xooggan ee ka dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah.

Si taas loo gaaro, waxa ay qorsheyneysaa dhowr habab oo iskaashi ah oo lagu dhisayo xarun lagu keydiyo saliidda ee Damerjog si ay u bixiso adeegyada kaydinta batroolka ee loogu talagalay dalabka albaabka labada suuq ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo sidoo kale wareejinta.

Saxiixa heshiiska MOU waxa goob joog ka ahaa wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya Ambassador Birtukan Ayano iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Jabuuti Berhanu Tsegaye.

Intii ay socotay munaasabadda saxiixa dukumentiga, mas’uuliyiinta ugu sareysa labada dal ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskan cusub uu yahay mid cusub.

Labada wadan ee dhaca geeska qaarada Afruka ayaa si wadajir ah hoosta uga xariiqay in hindisahaan loogu talagalay inla hubiyo sahayda saliida waarta ee Itoobiya taas oo qiyaas ahaan kor u kacda10 boqolkiiba sannadkiiba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM