Itoobiya oo eriday diblumaasiyiin u dhashay Ireland

Image
Go'aankan ayaa salka ku haya mowqif ay Ireland ka qaadatay colaadda gobolka Tigray.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa dalkeeda ka eriday afar ka mid ah lix dublamaasi oo Ireland u dhashay sabab la xiriira mawqifka Ireland ka qaadatay colaadda halkaas ka jirta gaar ahaan gobolka Tigray.

Wasiirka arrimaha dibadda, Ireland Simon Coveney, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu warbaahinta u xaqiijiyey go'aanka ay qaadatay xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Addis Ababa.

"Aad baan uga xumahay go’aankan ay qaadatay dawladda Itoobiya, xidhiidhka caalamiga ah ee aanu ka leenahay Itoobiya, oo uu ku jiro golaha ammaanka, waxa uu ahaa mid waafaqsan mawqifyadii iyo hadalladii Midowga Yurub," ayuu Coveney ku yiri qoraal uu soo saaray.

Coveney ayaa difaacay mawqifka Ireland ee colaadda joogtada ah ee u dhaxaysa dawladda iyo ciidamada Tigreega, isaga oo sheegay in uu la jaanqaadayo kuwa kale oo ay ku jiraan Midowga Yurub.

Ireland waxa ay saxeexday 5-tii Nofembar warbixin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku baaqayay xabbad-joojin ka dhalatay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Dagaalka ka holcaya gobolka Tigreega ee woqooyiga Itoobiya ayaa u dhexeeya ciidammada federaalka iyo kuwa la safan tan iyo bishii Nofeembar sanadkii lasoo dhaafay 2020.

Ra'iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa bishii Nofeembar 2020 u diray ciidamo gudaha Tigray si ay meesha uga saaraan Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ka dib bilo xurguf u dhaxeysay xisbiga maamulka gobolka woqooyiga, kaas oo gacanta ku hayay siyaasadda qaranka muddo soddon sano ah.

Ku-guulaystayaashii Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize 2019 ayaa ballan qaaday guul degdeg ah, laakiin dabayaaqadii bishii June ayay ciidammada Tigraygu dib isu-uruursadeen awooddana kusoo laabteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM

Howlgal Sirdoonka Kenya sameeyay oo Lagu Joojiyey Weerar ka dhici lahaa Nairobi

Xogta sirdoonka ayaa sidoo kale tilmaantay in kooxdu qorsheynaysay falal afduub iyo weeraro kale xilliga Ramadaan.

  • Afrika

    19-02-2026

  • 02:18PM