Itoobiya oo heshiis ku saabsan Nuk-liyeerka la galaysa Ruushka

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya iyo Ruushka ayaa qorsheynaya in ay ku kala saxiixdaan kulanka Urur Goboleedka ee bisha April ka dhacaya Addis Ababa iskaashi ku saabsan ganacsiga, dalxiiska iyo hubka sida daran wax u gumaada ee Nuk-liyeer-ka.

Tani ayaa ka dambeysay markii Mehreteab Mulugeta, agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha dibadda Itoobiya uu Talaadadii Moscow kula kulmay dhigiisa Ruushka, Andrei Kemarsky.

Wareysi uu siiyay Sputnik ayuu Mehreteab ku sheegay in kulankaasi uu daarnaa sidii la isugu diyaarin lahaa qalinka ku jiidida heshiiskaasi, kaasi oo uu xusay in uu muhiim u yahay labada dal.

"Heshiiska Nuk-liyeerka waa iyadda oo si nabad ah loo adeegsanayo tamarka Nuk-liyeerka," ayuu Mehreteab yiri, isaga oo raaciyay "Waanu ka howlgeli doonaa in aan u diyaar-garowno heshiiskaasi."

Dadka u dhuun-daloola arrimaha gobolka ayaa aaminsan in tani ay tahay calaamad muujineysa in Itoobiya ay xusul-duubaneyso sidii ay u sameysan lahayd Nuk-liyeerka oo dalalka haysta ay aad u kooban yihiin.

Dowladaha Mareykanka iy Ruushka waa dalalka ug tunka wayn caalamka ee haysta Hubkaasi sida daran wax u dila, inkasta oo wadamo kale sida India, China, Pakistan iyo kuwa kale ay ku hubeysan yihiin.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa xili Itoobiya ay si lamid ah qorsheynayso in ay dib u dhisto ciidamadeeda badda xili qaar kamid ah wadamada gobolka oo ay Soomaaliya kamid tahay ay heshiisyo arrintaasi ku qotomo ay la gashay.

Xeel-dheerayaasha ayaa ka digaya khatarka ka dhalan karta hadii dalka ugu dadka badan Afrika uu Nuk-liyeer yeesho, waxaana hadii ay dhacdo uu noqonayaa qaranka kaliya ee qaarada ka tirsan ee haysta Hubkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM