Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab
ADDIS ABABA — Dowladda Itoobiya ayaa ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu sababi karo in Soomaaliya ay dalbato in ciidamada Itoobiya laga saaro dalka, taas oo sida ay sheegtay fursad u abuuri karta kooxda Al-Shabaab inay kordhiso weerarrada ka dhaca gobolka.
Safiirka Itoobiya u fadhiya Israa’iil, Tesfaye Yetayeh Anteneh, ayaa wareysi uu siiyay telefishinka i24NEWS ku sharraxay sababaha ay Addis Ababa uga gaabsanayso aqoonsiga Somaliland, inkastoo Itoobiya ay muddo dheer raadineysay marin ay badda ku gaarto.
Markii la weydiiyay sababta Itoobiya aysan ugu dayan Israa’iil oo aqoonsatay Somaliland, safiirku wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay yeelan karto cawaaqib amni oo culus, gaar ahaan marka la eego ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Soomaaliya.
“Haddii Itoobiya ay aqoonsato Somaliland, dowladda Soomaaliya waxay dalban doontaa in Itoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya,” ayuu yiri Anteneh.
Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.
Safiirku wuxuu ka digay in saameynta tallaabadaasi aysan ku koobnaan doonin Soomaaliya iyo Somaliland, balse ay sidoo kale halis gelin karto amniga gudaha Itoobiya.
Anteneh ayaa ku baaqay in Itoobiya aysan ku degdegin aqoonsiga Somaliland, isaga oo sheegay in arrintan loo baahan yahay in si taxaddar leh loo qiimeeyo, iyadoo la tixgelinayo cawaaqibka amni ee ka dhalan kara.
Hadalka safiirka ayaa imanaya xilli Itoobiya ay dadaal ugu jirto sidii ay ku heli lahayd marin badeed, arrintaas oo muddooyinkii dambe xiisad diblomaasiyadeed ka dhex abuurtay Addis Ababa iyo Muqdisho.
Bishii Janaayo 2024, Itoobiya iyo Somaliland ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo la xiriiray marin-badeed, kaas oo Soomaaliya si adag uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed.
Xiisadda labada dal ayaa markii dambe horseeday Baaqa Ankara ee Diseembar 2024, kaas oo Itoobiya iyo Soomaaliya ay ku ballanqaadeen inay ka wada shaqeeyaan sidii Itoobiya u heli lahayd marin badeed oo ganacsi, iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiya ayaa door muhiim ah ka ciyaaray hawlgallada amni ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo muddo ka badan toban sano dagaal kula jirtay dowladda federaalka.
Digniinta safiirka ayaa muujinaysa in Itoobiya ay ka fiirsanayso saameynta aqoonsiga Somaliland ku yeelan karo xiriirka ay la leedahay Muqdisho iyo iskaashiga milatari ee labada dal.
Si kastaba, hadalka Anteneh ma muujinayo in Itoobiya ay gebi ahaanba meesha ka saartay suurtagalnimada aqoonsiga Somaliland, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrimaha amniga ay qayb muhiim ah ka yihiin go'aan kasta oo arrintan ku saabsan.
GAROWE ONLINE