Itoobiya oo martigelinaysa warshad farsameysa baabuurta Ruushka

Image
Ganacsiga u dhexeeya Ruushka iyo wadamada Afrika ayaa gaaray aduun dhan $18 bilyan sanadkii 2022-ka.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Shirkadaha baabuurta ee Ruushka ayaa ka fikiraya inay gudaha Itoobiya ka dhisaan warshad isku-xir-xirta baabuurta, sidda uu sheegay safiirka Moscow ee Addis Ababa, Evgeny Terekhin.

Terekhin ayaa, sidda ay ku warantey Russia Today, uxuu u sheegay wargeyska ganacsiga ee Izvestia todobaadkan in suurtagalnimadan oo kale hadda laga hadlayo.

Ergeyga ayaa carabka ku dhuftay in ganacsiga u dhexeeya Ruushka iyo wadamada Afrika uu kor u kacayo, iyadoo marka la isku daro wax-soo-saarku uu gaaray $18 bilyan sanadka 2022-ka.

"Wadamada Afrika waxay Ruushka ka iibiyaan miraha, khudaarta, shaaha, kafeega, ubaxa, iyo alwaaxyada qaaliga ah," ayuu hadalkiisa sii raaciyey danjire Terekhin.

Diblumaasiga ayaa intaas ku daray: "Qaybta libaaxa ee badeecadaha Ruushku ka keeno Itoobiya waa bunka, halka in ka badan kala bar badeecadaha Russia u dhoofiyo dalka 2022 ay ahaayeen sarreen".

"Sidoo kale, Ruushku waxa uu Itoobiya u dhoofiyaa wax soo saarka saliidda iyo waraaqaha,” ayuu hoosta ka xariiqay safiirka oo muujiyey in uu mustaqbalka ifaya leeyahay xiriirka ganacsi ee Moscow iyo Addis Ababa.

Toddobaadkii hore, guddoomiyaha Aqalka Duma ee Ruushka ayaa kulan la yeeshay afhayeenka Aqalka Federaalka Itoobiya Agegnehu Teshager, iyadoo labada dhinac ay ka wadahadleen iskaashiga dhaqaalaha.

"Itoobiya waa saaxiib muhiim ah oo Ruushku ku leeyahay Afrika. Had iyo jeer waxaanu wada-hadal noocan oo kale ah la galnay Itoobiya, waxaanu ilaalinaynay xidhiidhka in ka badan 125 sano,” ayuu yiri Vyacheslav Volodin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Shide oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Itoobiya

Dhanka kale, Golaha Federaalka Itoobiya, oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka dalka, ayaa Muferihat Kamil u doortay Guddoomiye.

  • Afrika

    05-10-2026

  • 08:33PM

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM