Itoobiya oo qaadey xayiraadii saarneyd baraha bulshadda

Image
Xayiraadan oo lasoo rogay shan bil kahor ayaa sababtey khasaaro ganacsi oo dhan $42 milyan oo doolar.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowladda Itoobiya ayaa u ogolaatay dadka inay adeegsadaan Facebook, Telegram, TikTok iyo Youtube markii ugu horreysay muddo shan bilood ah.

Xayiraada baraha bulshadda ayaa la soo rogay 9-kii bishii February ee sanadkan kadib markii ay xiisad ka dhex aloosantay kaniisadda Ortodoks-ka ee Itoobiya iyo dowladda.

Kaliya kuwa haysta software-ka shabakada gaarka loo leeyahay (VPN) ayaa geli karay aaladaha warbaahinta bulshada - taas oo ay kharash dheeraad ah ku bixinayeen.

Kaniisadda Ortodokska ayaa bishii February soo wajahday kala qaybsanaan kadib markii qaar ka mid ah baadariinta sare ee ka soo jeeda gobolka Oromia ay sheegeen in ay doonayaan in ay sameeyaan synod cusub.

Talaabadan ayaa dhalisay isku dhacyo dhimasho iyo dhaawac sababay, balse dadaal dhex dhexaadin ah oo ay sameysay dowladda ayaa hadda ka soo baxay dildilaacyada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka oo ku aadan go’aanka lagu qaadey xayiraada. Bishii hore, madaxa Ethio Telecom ayaa sheegay in xannibaadda aysan ahayn go’aan ay qaadatay shirkadda ay dowladdu leedahay.

Sida laga soo xigtay Bulshada Internet-ka, maqnaanshaha ayaa ku kacay Itoobiya $42m (£32m) sababtoo ah saameynta ganacsiga. Qaar kale waxay leeyihiin tirooyinka ayaa ka sarreeya.

Degaano ka tirsan gobolka ku yaalla waqooyiga ee Tigray, halkaas oo ay ka jireen colaado laba sano jirtey bishii November ee la soo dhaafey, ayaa weli aan la isticmaalin internet-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti oo u diyaar garowday doorashada madaxtooyada, Geelle oo la filayo inuu guuleysto

Doorashadii ugu dambeysay ee 2021 ayuu ku guuleystay Geelle qiyaastii 98 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 12:03PM

Ciidanka Kenya oo Islii ku Qabtay Dharka Tuutaha oo loo waday Al-Shabaab

Saraakiisha amniga Kenya ayaa sheegay in hawlgalkan uu dhabar-jab weyn ku yahay saadka iyo qorshayaasha kooxda Al-Shabaab.

  • Afrika

    09-04-2026

  • 06:19AM