Itoobiya oo "qabatay" hub ay leedahay Al-Shabaab

Image
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ay qorsheynayeen in ay fuliyaan falal argagixisanimo.

MUQDISHO, Sooamaliya – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonayay in ay hub u soo geliyaan dhulka Soomaalida Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay EBC, warbaahinta dowladda, waxaa lagu xiray deegaanka Afdheere, degmada Ceelkere, iyo deegaanka Buula.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ay qorsheynayeen in ay fuliyaan falal argagixisanimo. Bartilmaameedyada la qorsheeyay waxay ahaayeen gobolka, sida ku cad warbixinta.

18-sanduuq oo ay ku jiraan rasaasta AK47, lix qori oo RPG ah, iyo laba qori oo kuwa darandooriga u dhaca ah ayaa laga soo qabtay raggan.

Dabayaaqadii bishii April ee sanadkan, Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay 34 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay wadeen qorshayaal ay ku fulinayaan dhagar argaggixiso oo ay ku beegsanayaan magaalooyinka Addis Ababa, gobolka Oromada ee dalka Itoobiya iyo gobolka Soomaalida.

Dalka Itoobiya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka socday caqabado la xiriira rabshado diimeed waxaana dowladda Itoobiya ay ku andacooneysaa in cadawga gumeysiga Itoobiya ay isku dayayaan in ay ka faa’ideystaan diinta si ay uga abuuraan rabshado diimeed oo ku baahay dalkaasi.

Al Shabaab oo si weyn u adeegsada qaraxyada iyo weerarada ismiidaaminta ah ee ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, ciidamada midowga Afrika iyo shacabka ayaa awood u leh in ay weeraro gaysato wadamo ka baxsan Soomaaliya.

Al Shabaab oo horay dhowr weerar oo dhiig ku daatay ku qaaday dalka Kenya halka sirdoonka Itoobiya uu cadeeyay in uu xir xiray kooxo ka tirsan Al Shabaab oo maleegayay weeraro qorshaysan oo ka dhaca dalka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM