Jabhad ka dhan ah taliska milateriga ee Mali oo lagu dhawaaqay

Image

BAMAKO, Mali - Isbaheysi ka kooban kooxo hubeysan ayaa ku dhawaaqay in ay isu diyaarinayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen taliska milatariga ee talada haya ee dalka Mali, iyaga oo ku eedeeyay in ay ku xad-gudbeen waajibaadka amniga ee labada dhinac.

Kooxahan midoobay ayaa ku booriyay dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan xarumaha ciidamada, taasoo digniin cad u ah in uu dagaal qarxo.

Waxa xiisadda sii xoojisay ayaa ah warkii ka soo baxay maamulka gobolka “Gao” ee dhaca bariga dalka oo uu ku sheegay in uu gobolka ku soo rogayo bandow soconaya 30 maalmood inta u dhaxaysa 8-da fiidnimo ilaa 6-da subaxnimo.

Tallaabadan ay qaadeen kooxaha hubeysan ayaa timid kadib weerar ismiidaamin ah oo Jimcihii lagu qaaday xero ciidan oo ku taal waqooyiga Mali, iyo maalin kadib weeraro rag hubeysan ku qaadeen xero ciidan iyo dooni rakaab ah, halkaasoo ay ku dhinteen 64 qof.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM