Jabhadda Tigray oo dib qabsatey magaalo qadiimi ah

Image

ADDIS ABABA- Jabhadda ka soo jeeda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa dib ula wareegay magaalada taariikhiga ah ee Lalibela, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Waxaa la sheegay in aysan jirin wax rasaas ah oo la is weydaarsaday iyadoo magaalada oo ah xarun Qaramada Midoobay u aqoonsadeen meel taarikhi ah khatar ugu jirto iney burburto.

Lalibela oo ay ku yaalaan Kaniisado qadiimi ah dhulka laga soo qodey ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Tigreega bishii Ogosto, balse waxaa kala wareegey kuwa dowlada Federaalka 11 maalmood ka hor.

Ciidamada federaalka ayaa dhawaan guulo ka gaaray dagaaladii sokeeye ee socday mudada sanadka ah, kaasi oo dhaliyay dhibaato bini’aadantinimo..

Waqooyiga Itoobiya waxaa soo food saartay macaluul baahsan iyadoo in ka badan sagaal milyan oo qof ay u baahan yihiin sahay cunto  gobollada Tigray, Amxaarada iyo Canfarta, Qaramada Midoobay ayaa sheegtey sidaas.

Mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ciidamada huwanta ah ee dowladda federaalka ay bilaabeen habeenkii Sabtida inay ka baxaan Lalibela.

Dufcaddii u dambaysay ayaa baxay subaxnimadii Axadda. Dhawaqa rasaasta ayaanu maqalnay xalay meel fog balse ciidamada Tigreega ayaa dib u qabsaday Lalibela iyaga oo aan xabad ka ridin magaalada,” ayuu yidhi goobjoogaha.

Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa bayaan ay soo saartay oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegtay in ay ku qaadeen weerarro ballaaran magaalada lagu magacaabo Gashena oo u dhow Lalibela.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray: "Ciidankeenu aad iyo aad buu u wanaagsan yahay!"

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka dowladda. Laakin Sabatidii xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ku sheegay in uu dib ugu laabtay jiida hore ee dagaalka ciidamada dowladduna ay qabsadeen magaalooyin istaraatiiji ah oo ku yaala wadada aada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Todobaadki hore, dadka deegaanka Lalibela ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in iyadoo dagaalyahanada Tigreegu ay ixtiraami jireen goobaha barakeysan mudadii ay magaalada joogeen intii u dhaxaysay Ogosto iyo November ay dadka ku adkeeyeen nolosha.

Mucaaradka ayaa la sheegay in ay dalbadeen cunto iyo taleefoonnada gacanta. Waxa ay sidoo kale bililiqeysteen bakhaarro caafimaad, sida ay sheegtay AFP.

Isagoo hadlayay Axaddii, mid ka mid ah goobjoogayaasha ayaa sheegay in dad badan ay ka baxeen magaalada "sababtoo ah waxaa laga yaabaa in aargoosi. Waxaan muujinnay farxad ka hor markii ay [Tigraygu] baxeen."

Dagaalo socday sanad ka hor ayaa u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kooxda TPLF oo muddo tobanaan sano ah ka talinaysay Itoobiya, haatana ka talisa inta badan gobolka Tigray.

Mr Abiy ayaa ciidamo u diray gobolka Tigray si ay meesha uga saaraan kooxda TPLF kadib markii uu sheegay in ay weerareen xeryo ciidan.

Laakiin bishii June ee sanadkan ayay jabhaddu dib u soo kabatey, waxayna dib u qabsadeen inta badan Tigrayga, waxayna u sii gudbeen gobollada deriska la ah ee Amxaaradda iyo Canfarta.

Cabsida laga qabey iney jabhadda ku soo wajahan Addis Ababa ayaa keentay in dalal dhowr ah, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK, ay ku booriyaan muwaadiniintooda inay ka baxaan Itoobiya bishii hore.

Wixii markaas ka dambeeyay, ciidamada federaalka ayaa dib ula wareegay tiro magaalo oo muhiim ah oo ku taal wadada aada caasimadda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamadda ICC oo shacabka Uganda u balanqaadey lacag magdhow ah

Lacagtan ayaa waxa ay qeyb ka tahay kiis dambi dagaal oo ay maxkamadda xukun ka soo saartey.

  • Afrika

    15-05-2024

  • 01:29AM

Markabkii ugu horeeyay oo ay leedahay Itoobiya oo ku xirtay Dekad ku taalla Kenya

Itoobiya ayaa ku tiirsan dekadaha Jabuuti, waxaana hadda ay raadinaysaa kuwa kale, oo ku yaalla dalalka deriska, sida Kenya iyo Soomaaliya.

  • Afrika

    14-05-2024

  • 06:41PM