Jabuuti iyo Itoobiya oo kawada hadlay iskaashi dhinaca dhaqaalaha

Image
Abiy Axmed iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadalo miradhal ah ku yeeshay Addis Ababa.

ADDIS ABABA, Ethiopia – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa Talaadadii wuxuu wadahadalo la yeeshay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle kaasoo soo gabagabeeyay socdaal shaqo oo laba casho qaatay oo uu ku tagay dalkan aan badda lahayn.

Warbaahinta Itoobiya ee FANA ayaa warisay in labada hogaamiye ay kawada xaajoodeen arrimo ay kamid yihiin danaha ay wadaagaan. Waa booqashadii labaad ee sanadkan uu Itoobiya ku tago Geelle taasoo muujineysa isu soo dhowaanshiyo.

Abiy oo haatan wajahaya colaada gobolka Tigray iyo madaxwayne Ismaaciil Geelle ayaa isla soo qaaday siyaabaha ay ku xoojin karaa iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dal.

Intaas waxaa dheer, labada hogaamiye ayaa kawada hadlay adkeynta cilaaqaadka dhinaca dhaqaalaha oo ay kamid tahay horumarinta ganacsiga, maalshiga dalagga iyo kordhinta naaxinta kaabayaasha dhaqaalaha dal ee dhaca Geeska Afrika.

Darafyadda dalxiisa iyo tamarta ayaa kamid ah qodobada ay labada hogaamiye kawadahadleen, sida ay warisay warbaahinta FANA oo intaas ku dartey in ay is-dhaafsadeen fahfaahin ku aadan qaabka loosie horumarin karo xiriirka labadda waddan.

Jabuuti ayaa muhiim u ah ilaha dhaqaalaha ee Addis Ababa maadaama Itoobiyaanka ay ku tiirsan yahay dekadaha Jabuutitaanka. Itoobiya waa dal aan bad lahayn waxaana ay sameysatay waddo isku xiraysa labada dal si ay kor ugu qaado dhaqaalaheeda.

Sanadkii lasoo dhaafay, dhaqdhaqaaqa badeecadaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa hoos u dhacay sababo ku aadan dagaalka gobolka Tigray halkaasoo ciidamadda Ethiopia ay ku duuleen si ay meesha uga saaraan xisbiga xukumayey waddankaas in ka badan 30-sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM