Jabuuti oo beenisay warar laga faafiyey caafimaadka Geelle

Image
Madaxweynaha ayaa lagu waramay in uu baaritaan caafimaad u joogo waddanka Faransiiska.

DJABUUT, Jabuuti - Dowlada Jabuuti ayaa waxay gaashaanka ku dhufatay wararka la isla dhex-marayo ee ku saabsan in madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ay aad u liidato xaaladiisa caafimaad.

Xukuumadda Djabuuti oo warbixinadaas ka falcelisay Talaadada maanta ah ayaa intaas ku dartey in macluumaadkaas lagu faafiyey baraha bulshada "ay yihiin kuwa xaqiiqadda ka fog".

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf oo qoraal ku daabacay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa xaqiijiyey in Geelle uu kaliya xaqiijin ku sameynayo caafimaadkiisa.

Yuusuf oo aan kala caddeyn goobta uu baaritaankaas caafimaad ku marayo Geelle ayaa cuskadey in talaabadan uu u qaadey "sababo la xiriira in uusan wax nasiino ah helin xagaagii horey".

Wararka laga helayo xubnaha ku dhow dowladda Jabuuti ayaa ku waramay in Geelle uu ku sugan yahay Faransiiska halkaasna uu ku barayo baaritaanka dhanka caafimaadka ah.

"Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay. Dhammaan macluumaadka ku saabsan xaaladdiisa caafimaad way ka fog yihiin xaqiiqda," ayuu Yuusuf ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu raaciyey: "[Madaxweynuhu] wuxuu ku jiraa maalmo fasax ah waxaana uu marayaa baaritaan caafimaad sababo la xiriira nasasho la aan waayo ma uusan dalka ka tagin xagaagii oo dhan".

"Madaxweyne Geelle wuxuu bilaabayaa shaqadiisa maalmo gudahood: ma jirto welwel gaar ah oo la qabo," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Yuusuf oo kamdi ah xubnaha aadka ugu dhow Geelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM