Jabuuti oo laga hirgelinayo goob laga rido dayax-gacmeedka

Image
Mashruuca ku kacaya hal bilyan doolar ayaa waxaa qeyb ka ah dhismaha deked iyo waddo caalami ah.

NAIROBI, Kenya - Jabuuti ayaa heshiis hal bilyan oo dollar ah la saxiixatay shirkadda Hong Kong Aerospace Technology Group si ay u sameysato gantaal iyo goobta dayax gacmeedka laga rido ee dalkaas.

Mashruuca ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah dhismaha deked iyo waddo caalami ah oo laga dhisayo gobolka Obock ee waqooyiga si loogu daabulo agabka lagama maarmaanka u ah horumarinta goobaha hawada," ayuu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku sheegay hadal uu soo saaray goor dambe oo Isniintii ah.

Geelle oo rajo wanaagsan ka muujiyey in mashruucan uu si fiican u hirgalo ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in mashruucan uu qaadan doono muddo shan sano ah.

"Heshiisku waxa uu dhigayaa tanaasulka kama dambaysta ah ee kaabayaasha lagu dhisay dhinaca Jabuuti kadib 30 sano oo maamul wadaag ah," ayuu Geelle ku daray.

Jabuuti waa dal yar oo dhaca Geeska qaaradda Afrika, wuxuuna xuduud la leeyahay Soomaaliya dhanka koonfureed iyo badda cas iyo gacanka cadmeed ee bari.

Dalkan ayaa wuxuu leeyahay muhiimad istiraatijiyadeed maadaama uu ku yaal xarunta ugu weyn ee ciidamadda gaarka ah ee Mareykanka ee qaaradda Afrika.

Shiinaha, Japan, iyo Faransiiska - gumaystihii hore ee qaranka Jabuuti - ayaa sidoo kale saldhigyo ciidan ku leh dalkan. Tani waxay kusoo jeedisay waddankan indhaha caalamka gaar ahaan tartanka ciidamadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM