Jabuuti oo war kasoo saartey Muwaadiniin looga dilay DDSI

Image

JABUUTI - Kadib kulan Isniin shalay yeesheen Gollaha Wasiiradda Jabuuti ayaa looga hadlay xaaladda kusoo korortay dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, gaara ahaan Magaalooyin ay akamid yihiin Jigjiga, Dhagax-buur iyo Diri-dhawe.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed ayaa sheegay inay aad kaga xun yihiin waxa ka dhacaya DDSI, waxaana loogu baaqay mas'uuliyiinta dowladda Federaalka ee Itoobiya iyo kuwa gobolka inay xaaladda dejiyaan.

Dhinaca kale, bayaanka kasoo baxay Xukuumadda Jabuuti, ayaa lagu xaqiijiyay inay jiraan muwaadiniin reer Jabuuti ah dil iyo dhaawac loogu geystay DDSI, gaar ahaan Diri-dhawe, halkaasoo lagu dilay qoys ka kooban hooyo iyo afar caruurteeda ah.

“Waxaan cambaareynaynaa falalka axmaq-nimadda ah ee lagula kacay muwaadiniinta reer Jabuuti ee ku nool dowlad degaanka Soomaalida, waxaana ugu baaqaynaa dowlada Federaalka Itoobiya inay wax ka qabato xaaladda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-Saxaafadeedka ayaa lagula taliyay shacabka u dhashay Jabuuti ee ku sugan goobaha ay rabshada iyo isku dhacyada ay ka socdaan ee DDSI inay feejiganaan muujiyaan, islamarkaana ay si dhaw ula socdaan waxa ka dhacaya hareerahooda.

“Muwaadiniinta reer Jabuuti ee ku sugan meelaha ay xiisaduhu ka jiraan, waxaana kula talinaynaa inay la xiriiraan Qunsuliyadda Jabuuti, iyo Safaaradeena Addis Ababa, hadii ay lasoo deristo xaalad adag,” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Xiisadda DDSI ayaa qaraxday kadib Milatariga Federaalka ee Itoobiya ay maalmo kahor qabsadeen magaalada Jigjiga, iyagoo gacanta ku dhigay dhamaan dhismayaashii dowladda, inkastoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay xaaladu deganeyd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM