Jamhuuriyadda DRC: Askari ku dilay todobo qof goob aas

Image

NAIROBI, Kenya - Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa waxaa ka socda baadi goob loogu jiro askari toogasho ku dilay ugu yaraan 13 qof oo sagaal ka mid ah ay carruur ahaayeen, kaddib muran ka dhashay aas.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in sarkaalka uu u muuqdo mid ka careysan inuu seegay aaska wiilkiisa.

Waxa uu rasaas ku furay goob lagu xusayay galabnimadii Sabtida ka hor inta aanu baxsan.

Xaaska askariga ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay goobta oo ah tuulada Nyakova, oo ku taal banka harada Albert ee gobolka Ituri ee bariga Congo.

Waxaa la sheegay in ay amartay in wiilka la aaso, iyadoo askariga uu sugayo inuu ogaado xilliga xilka laga qaadi karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 05:13PM

Gabdho laga afduubey Iskuul ku yaalla dalka Nigeria 

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan amniga carruurta waxbarata iyo in weerarradan oo kale ay sii badanayaan.

  • Afrika

    18-11-2025

  • 08:16AM